Nin 31 jir ah oo loo maxkamadeynayo rabshadihii ka dhacay goob laga daawanayay Koobka Adduunka

RH: KØBENHAVN — Nin 31 jir ah oo loo haysto inuu gacan ka geystay dhacdo rabshado ah oo ka dhacday goob lagu daawanayay ciyaaraha Koobka Adduunka ee kubadda cagta, ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda magaalada Copenhagen 7-da Oktoobar 2026.

Dhageysiga dacwadda ayaa ka bilaaban doona Københavns Byret saacadda 13:00, sida ay Talaadadii sheegtay xafiiska dacwad-oogaha Booliska Kobenhagen.

Hase yeeshee, weli si rasmi ah looma soo oogin dacwad ka dhan ah ninkan.

Ninkan ayaa lagu eedeeyay inuu 30-kii Juun 2026 nin 32 jir ah oo u dhashay Sweden si xooggan uga dhuftay feedh qaybta daanka ama qoorta. Ninkii Swedish-ka ahaa ayaa dhulka ku dhacay, madaxiisana meel ku dhuftay, waxaana uu markii dambe u dhintay dhaawacyadii ka soo gaaray dhacdada.

Dhacdadu waxay ka dhacday Islands Brygge ee Kobenhagen, xilli halkaas lagu daawanayay ciyaar ka tirsan tartanka Koobka Adduunka oo laga daawanayey shaashad weyn. Ciyaarta la daawanayay waxay ahayd Norway iyo Côte d’Ivoire (Ivory Coast).

Ninka 31 jirka ah waxaa lagu hayaa xabsi ku-meelgaar ah tan iyo 3-dii Luulyo 2026. Waxaa lagu soo oogay tuhun la xiriira qodobka 244-aad ee Xeerka Ciqaabta Denmark, kaas oo khuseeya falalka rabshadaha fudud.

Saddex nin oo loo haysto dhacdada

Marka laga soo tago ninka 31 jirka ah, laba nin oo kale oo da’doodu tahay 24 iyo 29 jir ayaa sidoo kale loo haystaa rabshado la xiriira dhacdadii goobta laga daawanayay ciyaarta.

Ninka 24 jirka ah, oo ah muwaadin Danish ah, waxaa lagu tuhunsan yahay inuu cagta kaga istaagay ninkii Swedish-ka ahaa xilli uu dhulka yaallay, sidoo kalena uu garaacay muwaadin kale oo Swedish ah.

Ninka 29 jirka ah ayaa ah muwaadin Soomaaliyeed, waxaana lagu tuhunsan yahay inuu laad ku dhuftay ninka kale ee Swedish-ka ah.

Booliska Denmark ayaa ninka 29 jirka ah ku wargeliyay tuhunka loo haysto iyagoo adeegsanaya telefoon iyo qareenkiisa, maadaama aan weli lagu guuleysan in la helo.

Boolisku waxay hore u sheegeen in kiisaska saddexda nin si kala duwan loo qaadi doono, maadaama aysan jirin xog muujinaysa inay falalka si wadajir ah u fuliyeen.

Sidaas darteed, weli lama shaacin taariikhda maxkamadeed ee labada nin ee kale.

Ninkii 32 jirka ahaa ee Swedish-ka ahaa wuxuu ahaa askari ka tirsan Booliska Sweden, balse xilliga uu dhacdadu dhacday wuxuu goobta u joogay si gaar ah, isagoo ka qaybgalayay daawashada ciyaarta.

Ninka 31 jirka ah ee dacwaddiisu bilaabanayso Oktoobar wuxuu Denmark ku yimid isagoo ilmo yar oo ka yimid Congo, waxaana uu haystaa dhalashada Denmark.

Category