Nin Soomaali ah oo weerar ka geestay dalka Norway

Oslo (RH)-Booliska dalka Norway ayaa xiray hal qof oo la sheegay inuu ka dambeeyay dilka haweeney iyo dhaawac labo kale kaddib markii uu ku weeraray midi, sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.

Warbaahinta Norway ayaa sheegtay in dhacdadan ay ka dhacday magaalada Sarpsborg oo ku taalla Koonfurta caasimadda Oslo.

Sidoo kale warbaahinta Norway waxa ay baahiyeen in weerarkaas ay ku dhintay mid ka mid ah saddexda haween ee ninka uu ku wareeray tooreyda.

Ninka falkan geestay ayaa la sheegay inuu dhashay dalka Soomaaliya, waxaana hadda gacanta ku haya booliska iyo hey'addaha ammaanka.

Labada haween ee dhaawaca uu ka soo gaaray ayaa la sheegay in xaaladooda ay halis yihiin, waana Soomaali halka haweneyda geeriyooday ay u dhalatay waddanka Norway.

Ninka falkan geestay ayaa la sheegay inuu dumarka ku soo weeraray magaalada Sarpsborg oo ay joogeen, waxaana la sheegay inuu yahay nin madaxa ka xanuunsan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category