Nin Soomaaliya oo xaley lagu dilay magaalada Odensa

RH: Alle ha u naxariistee waxaa xaley salaadii cishaa kadib lagu toogtey laguna dilay magaalada Odensa  Cabdirnuur ahaa soomaali  da'diisa lagu sheegay 31 jir

Xilliga la toogtey oo aheyd salaadii cishaa kadib ayaa waxa uu dilkiisu ka dhacey meel  u dhaw masaajidka xaafada Vollesmose -Odansa , waxaana la sheegay in uu xilligaas masaajidka kasoo baxay oo uu gaadhigiisa ku jiray sida ay noo sheegay qof degan isla xaafadaas.

Dhacdadan waxa kale oo ku dhaawacmey ninkale oo isagu aan ahayn Soomaali balse lagu sheegay Carab oo  isagana xaaladiisu liidato.

Boosliiska ayaa baadhitaan xoogleh ka wada xaafada ,  waxaana warar aanaan xaqiijinkarini noo sheegeen in loo qabqabtay dhacdadan dhawr qof.

waxa iyaduna xusmudan in dhacdo kale oo hub la isu adeegsadey ka dhacdey isla xaafadan 18.Jun.20   kadibna uu booliissku xaafada ka bilaabey  in ay baadhaan qofkasta oo ay ka shakiyaan.

 

Wixii kasoo kordha kala soco Radio Hormuud.

 

 

Category