Nolosha ma fududaan kartaa Google la'aantii?

Shirkadda labaad ee ugu weyn ee soo saarta telefoonada caaqilka ah ee Huawei, ayaa waxaa soo wajahay caqabadooyin dhowr ah kaddib markii shirkadda Google ay sheegtay inay xayiraad kusoo rogeyso aaladaha ay leedahay shirkadda ee ay adeegsato Huawei.

Mustaqbalka shirkaddan Shiinaha laga leeyahay waxaa uu ku tiirsan yahay dadka isticmaala telefoonadeeda ee sida weyn u adeegsada aaladaha shirkadda Google sida Youtube iyo Gmail.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii maamulka Trump uu shirkadda Huawei ku daray liiska shirkadaha aanan loo ogoleyn inay wax ganacsi ah ka sameeyaan gudaha dalkaas tan iyo inta ay ka helaan ruqsad ay ku howlgasho.

Go'aanka shirkadda Google ayaa u horseeday Huawei inay meesha ka baxaan adeegyadii ay ka heli jirtay Google, isla markaasna ay xayiraad kusoo roggtay arrintaas si aysan u isticmaalin Huawei.

 

Waxay tallaabadan horseedi kartaa in hoos dhac uu ku yimaado kobaca shirkadda Huawei oo si xowli ah ku socday, waxaana dhawaan la sheegay inay ka horumareyso shirkadda kale ee teknooloojiyadda ee Apple.

Mas'uuliyiinta shirkaddan Shiinaha ayaa ka baaran degaya inay ogaadaan macaamisha ay lumin karaan ee hadda isticmaala adeegyada ay bixiso shirkadda Google oo inta badan ka qeyb ah nolosha.

Raadinta jaawabta

Shirkadda Google waxay bixisaa aaladaha qofka u sahlayo inuu helo internet-ka, waana meesha ugu weyn ee laga helo macluumaadka dunida.

Boqolkiiba 89, dadka ku nool dunida waxay isticmaalaan adeegyada ay bixiso shirkadda Google.

 

Dadka waxay inta badan jecel yihiin adeegyada shirkadda Google, marka waxay Huawei waayi kartaa macaamil badan oo iibsan lahaa telefoonadeda.

Shirkadda Google ayaa iibsatay Youtube sannadkii 2006-dii, waxay sameysay nidaam qofka uu lacag kaga sameysan karo muuqaallada uu geliyo barta Youtube.

 

Image captionAdeegyada shirkadda Tiktok ayaa waxaa isticmaala macaamiil badan

Tiktok ayaa ah adeegga saddexaad ee loogu isticmaal badan yahay dunida tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2018-kii, sida laga soo xigtay shirkad lagu magacaabo Sensor Tower.

Waxaana adeegsadaa 500 milyan oo qof guud ahaan dunida.

Adeegga Tiktok waxaa horey u bilaabay shirkad Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo Bytedance as Douyin, waxay la geliyaa muuqaallo gaaban, waxa ay tartan kula jirtaa sida shirkadda Instagram.

YouTube waa hantida ugu weyn ay leedahay shirkadda Google, waxaana adeegsadaa macaamil gaareyso 1.8 bilyan oo qof.

Hal jiho

Adeegga khariiddada Google ama Google Maps, waxaa uu kamid yahay kuwo si weyn dunida looga isticmaalo

Sahan la sameeyay ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 69 dadka isticmaala telefoonka iPhone ee ku nool dalka Mareykanka ay doorbideen isticmaalka khariiddada Google marka loo barbardhigo adeegga shirkadda Apple.

Shirkadda Baidu ayaa isha ku heysaa inay adeegyadeeda gaarsiiso dalalka ka baxsan Shiinaha, waxay Huawei fursad u siin kartaa inay kasoo kabsato khasaaraha ay kala kulmi karto xayiradda ay kusoo rogtay Google.

 

Kala qeybsanaanta la filan karo

Dadka isticmaala telefoonada ayaa hadda adeegsadaa labada adeeg ee ugu weyn ee kala ah iOS oo ay leedahay shirkadda Apple iyo Android, In shirkadda Google ay xayiraad kusoo rogto Huawei waxay ka dhigan tahay in adeegyo kale lasoo saari karo.

Ninka aasaasay shirkadda Huawei wuxuu rumeysan yahay in shirkadda ay horey u socon karto iyadoo aanan isticmaalin adeegyo software ah oo Mareykanka laga leeyahay.

"Waxaan wadnaa qorsheyaal ku aadan arrintani balse ma aanay suuragelin" ayuu yiri Jeremy Thompson,oo ah ku-xigeenka madaxa shirkadda Huawei ee UK.

Waxaa uu intaas ku daray inay heystaan barnaamijyo kale oo ay is leeyihiin waxay waxtar u noqon doonaan macaamiisha isticmaala teleefoonada ay soo saarto shirkadda Huawei.

Shirkaddan Shiinaha laga leeyahay ayaa waxay ku tiirsanaan doontaa taageero ay ka heleyso dowladda Shiinaha iyo suuqyada maxalliga ah.

Google waxay dooneysaa inay sii xoojiso go'aankeeda ah inay ballaariso suuqyada telefoonada caalamka, waxaana weli ku sii xirnaan doonaan dad badan oo macaamisheeda ah oo isticmaala ah adeegyada Google.

Shirkadda Google waxay ku rajo weyn tahay in aysan ka qoomeeynin go'aankeeda balse Huawei ayaa noqoneysaa shirkad la go'doomiyay.

source.BBC

Category