Norwey: Haweenay uu qabo nin maalqabeen ah oo la afduubey. madaxfurasho la dalbadey

RH: Aragagax ayaa ka jira dalka Norwey kadib kolkii uu maanta Booliisku shaaciyey in la layahay   Anne-Elisabeth Falkevik Hagen  da'deeduna tahay 68 jir,una dhallatay dalka Norway,  isla markaasina uu qabo maalqabeen caan ah oo dalkaas laga wadayaqaano .

mmht

 

Haweenaydan ayaa laga afduubey gurigeeda 31.Okt.18 kii , tan iyo xilligaas arinka lama shaacin laakiin Booliisku waxa uu waday hawlgal xoogleh oo uu ku baadigoobayo meesha lala tagey , 

Waxaanu Booliisku ka codsadey qoyska inaaney saxaafada la hadal  islamarkaasina aaney dhiibin lacag madaxfursho ah inta ay hawlagalka ku jiraan.

mkiii
Guriga laga afduubey oo ku yaala meel u dhaxeysa Oslo iyo Lillestrøm.

 

Hadaba arinkan ayaa maanta uu Booliisku shaaca kaqaadey kadib kolkii uu ku guuldareystay in uu soo helo , dambiilayaasha haweenayda afduubey.

waxa uu Booliisku  sidaas u yeelay bal in uu caawimo kahelo  dadweynaha, isaga oo ka codsadey in ay la soo xidhiidhaan hadii ay wax war ah ka hayaan meesha haweenaydaas lagu haysto.

Arinta kale ee sababtay in uu Booliisku hadlo ayaa ah kadib kolkii ay nimankii afduubey haweenaydu la soo xidhiidheen qoyskeeda isla markaasina ay codsadeen 

in madaxfurasho loo siiyo lacag dhan 9 milyan oo Euro isla markaasina ay ugu hanjabeen in ay qudha ka jaridoonaan hadii arinkan uu Booliisku faraha la soogallo.

 

waxaa diyaariyey 

Maxamed-amin Siyaad Cabdi

 

 

Category