Odensa: SF oo halgan ugu jirta in ay badbaadiso laba Iskuul ku yaala Vollesmose lana rabo in laga xidho.

Denmark. Odensa: Dhawaan ayey aqlabiyada gollaha degaanku cadeeyeen in ay xidhi doonaan mid kamid ah labada iskuul ee kuyaala xaafada Vollesmose kadibna ay ku ururindoonaan dhamaan caruurta aagaas degan Abildgårdskolen, Hadaba xisbiga SF oo kaashaneysa Rådmand Brian Dybro ayaa hada dadaal ugu jira Sidii uu xidhitaanka ugaba badbaadinlahaa  labadaas iskuul en skolehverdag iyo H.C Andersen Skole.

Siyaasiyiinta difaacaya Iskuuladan ayaa ku doodeya in ay culeysku tahay caruurta in Iskuulka ay dhigtaan hada la xidho iyada oo dhawaan la filayo in la dumiyo   guryaha  ay hada deganyihiin ,

taas oo marka ay timaado uu qoys walba ku khasbanaandoono in ay u guuraan xaafado kale oo magaalada ka mid ah kadibna ay caruurtooda geysan doonaan hadba iskuulka u dhow xaafada cusub ee ay dagaan, sidaas awgeed ay caruurta laba guurid ku tahay hadii hada la xidho iskuulkooda.

Waxay se badka soo dhigeen figrada kale oo lacag lugu beekhamin karo taas oo ah in H.C Andersen skole laga dhigo hal hal fasal oo isbarbar socda halka ay hada ka yihiin laba laba maadaama oo tiradii caruurta ee iskuulka dhiganaysay ay hoos u dhacdey ,waxa kale oo ay soo bandhigeen in  fasalada banaanadana loo badalo xanaanooyin caruureed maadaama oo uu aagaasi u baahanahey in la kala fududeeyo tirada caruurta xanaanooyinka  aada oo aad u badan.

200 ardey ayaa ku hadhey

mmjk

Dood siyaasiyiinta gollaha degaanka dhex martey.

Haweenayda madaxda ka ah gudiga dhallinyarada iyo caruurta ee degmada ayaa  ku doodey in labadan Iskuul caruurtooda la isgu geeyo Abildgådskolen , waxaaney tidhi iyada oo la hadleysa siyaasiyiinta difaacaya Iskuuladan ” waa maxay sababta aad u diidantihiin in awooda iyo dhaqaalaha hal meel la isugu geeyo mar hadii ay tiradii caruurtu yaraatey?

Dybro ayaa ugu jawaabey wali iskuulka H.C Andersen 200 oo caruura ayaa dhigata , inkasta oo awooda meel la iskugu geeyo shaki ayaa igaga jira in ay caqli fiican tahay in caruur ay dhibkoodu isku mid ka yihiin lagu uruuriyo hal iskuul oo weyn.

Marlabaad ayey hadalkii qaadatey waxaaney tidhi.Waxa aynu rabnaa waa in aynu xaafada Vollesmose dhallanrogno  kana dhino xaafad noocyo guryo  kala duwan ah leh, dadka cusub ee aynu rabno in ay soo guuraan xaafada  ilama aha in ay xiiseyn doonaan xaafad leh Iskuul weyn oo Ghetto ah.

 waxa aanu hada haysanaa aqalbiyad ogol in la xidhno iskuuladan . maxaad dagaalkan aad wadaan uga hadhi la’dihiin? Ayey markale waysiisey

Waxa aanu rabnaa  in aanu aragtida siyaasiyiinta hada raba in  laxidho labadan iskuul badalno aragtidooda  oo aanu meel kale wax ka tusno anaka oo u daneynayna caruurtaas yar yar. Ayuu ugu jawaabey Brian Dybro.

Aragtideyda xalka ugu wanaagsani waa in labad iskuulba la daayo , waananu kasii shaqeynaynaa arintaas ka SF ahaan.

vvfg

sawirka Brian Dybro Rådmand Odensa Kommune SF

 

Xogta warkan . Fyns.dk

Tarjumaada iyo isku  dubaridka

Mohamed-amin Siyad Abdi

Category