ONLF oo isbaheysi siyaasadeed la gashay ururo kale

Addis Ababa (RH)-Ururka ONLF ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya ku saxiixay isbaheyso cusub oo siyasadeed, kaas oo ay la galeen uruuro kale oo kala ah Agow oo ah qowmiyad kasoo jeeda deeganaka Amxaarada, Canfarta iyo ururka OLF ee deegaanka Oromada.

Ururadan siyaasadeed ayaa ah kuwa mucaarad ah oo qaar kamid ah ay ahaayeen jabhado hubeysan, dagaalna kula jiray Dowladda Itoobiya, waxaana ay ku heshiyeen in ay sameystaan isbaheysi siyaasadeed kahor doorashada guud ee Itoobiya oo sanadkan l filayo in ay dhacdo.

"Isbaheysiga waxaa ku bahoobay ururo kala duwan oo kasoo jeeda qowmiyado kaladuwan oo ah kuwii la cadaadin jiray ee inta bada isku taami jiray in xaqooda iyo xorriyadooda ay helaan oo ay kamid tahay soomaalida iyo Oromiya, Agaw, Gambeela, Sidam iyo kuwa kale oo badan", ayuu yiri Xassan Maxamed oo ah madaxa xafiiska ururka ONLF ee Addisabba.

Waxa sidoo kale la dhisay qaab dhismeedka isbaheysigan siyaasadeed, waxaana gudooomiyaha isbaheysiga, madaxa ururka ONLF, Daud Ibsa, halka Cabdiraxmaaan Sheikh Mahdi na lo doortay guddoomiye ku xigeenka isbaheysiga siyaasadeed.

Xoghayaha guud e isbaheysiga ayaa sidoo kale loo doortay Almiro oo ka socday ururka Agow, waxaana halkaas lagu dhisay gudidga fullinta iyo gole dhexe oo urur walba uu ku leeyahay shan xubnood.

"Isbaheysigan waa mid hadda kahor jiray oo aynu horay ugu bahownay, waxaana asaasayaaasha kamid ah ururka ONLF, OLF, Sigamada iyo Gambeelada , tii ayaana laga ambaqaaday, ujeedadu hadda kahor wuxuu ahaa dagaal hubeysan iyo qori, maanta waa siyaasadeed iyo in xisbi dalka lagu hogaamiyo oo doorashada la isku baheyso", ayuu raaciyay Xassan.

Wuxuu intaa raaciyay in la dhameystiri doona istaraatajiyad cusub, kadiban sidaas ay ku geli doonaan doorashada Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa bisha 5-aad ee sanadkan lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada guud, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in doorashada ay qabsoomi doonta bisha Agoost.

Isbaheysiga ay sameysteen ururadan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan xisbiga talada haya ee Itoobiya magaca laga badelay oo loo bixiyay xisbiga barwaaqada, kaa soo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, waxaase aan la ogeyn saameynta siyaasadeed ee ay yeelan doonaan ururada isbaheysiga sameystay.

Xiggasho: BBC

Category