Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii Baydhabo oo Muqdisho la keenay

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah la keenay sideed qof oo ka mid ahaa dadkii dhaawacyada culus kasoo gaaray ah qaraxyadii shaley ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobalka Baay.

Dadkan ayaa la sheegay in wax looga qaban waayey isbitaalada magaalada Baydhabo, waxaana ay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo dheeraad ah, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Baydhabo Cabdifataax Ibraahim Xaashi.

Diyaarad sidda dawooyin iyo qalab kale oo caafimaad ayaa maanta tagtey magaalada Baydhabo, waxaana soo diray dowladda federaalka gaar ahaan wasaaradda caafimaadka.


Dhinaca kale, tirada dadkii ku dhintay qaraxyadii shaley ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sara u kacday iyadoo gaartay 20 qof halka dhaawaca uu marayo 22 qof, sida uu sheegay agaasimaha isbitaalka Baydhabo.

Waxa uu sheegay in isbitaalkooda la keenay 13 qof oo meyd ah, iyadoo xaley iyo saakana ay isbitaalka ku geeriyoodeen 7 qof oo dhaawac ahaan loo keenay isbitaalka taasoo tirado guud ee dhimashada ka dhigeysa 20 qof.

Qaraxyada Baydhabo ayaa ku soo beegmay iyadoo magaalada Muqdisho laga xusay sannad guuradii ka soo wareegatay markii uu dhacay qarixii lagu hoobtay ee ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho 14-kii October sannadkii 2017-kii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category