Qarax ay dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacay Balcad

Jowhar (RH)-Wararka ka imaanaya gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax miino oo qabsaday gaari bas ah oo ay la socdeen dad shacab ah ay ku dhinteen in ka badan 10 qof tira kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa duleedka waqooyinka waqooyiga degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Goob-jooge ayaa sheegay in badi dadkii la socday baska ay dhinteen halka kuwa dhaawacana la geeyay isbitaal deeganka u dhow.

Gaariga qaraxa uu qabsaday ayaa ka tegay magaalada Muqdisho, waxana uu ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarrunta maamulka


Saddexdii sanno ee la soo dhaafay ayaa waxa waddadan waxa ay ahayd mid halis ah, waxaana lagu dilay saraakiil ciidan, xildhibaanno, xubno ka tirsan maamulka HirShabeelle iyo dad shacab ah.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka HirShabeelle oo ku saabsan qaraxa dadka shacabka lagu laayay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category