Qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Labo qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay Taalada SYL ee magaalada Muqdisho, halka qaraxa labaad uu ka dhacay isgoyska Ceel-Gaabta.

Labada goob ee qaraxyada ay ka dhaceen ayaa laga waardiyeeyaa madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay geesteen khasaaro balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Ururka Al-Shababa ayaa sheegtay labada qarax ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sabtidii horre, ayey ahayd markii Al-Shabaab ay weerartay xarrunta Otto-Otto oo ay hadda ku shaqeeyaan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3
 

Mogadishu Somalia

 

Category