Rabshado ka dhacay Diridhabe

Jigjiga (RH)- Xaaladda magaalada Diridhabe ayaa maanta oo Axad ah deggan, kaddib markii shaley iyo xaley magaalada ay ka dhaceen rabshado ay dad ku dhaawacmeen kuwaasoo u dhexeeya qowmiyada Soomaalida iyo kuwa Oromada.

Inta la ogyahay saddex qof oo ay ku jirto qof dumar ah ayaa ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Diridhabe, waxaana magaalada ka socda shirar looga hadlayo ammaanka magaalada.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rabshadaha ay xaley ka billowdeen xaafadaha Alle Ibade iyo Suuqa Al-Shawa oo illaa hadda xiran.

Magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo farabadan kuwaasoo sugaya ammaanka magaalada.

Ma ahan markii ugu horreysay oo labada qowmiyadood ay ku dagaallamaan magaalada, balse magaalada ayaa maalamahan deganeed waxaana laga dhex waday waanwaan labada dhinac.

Todobadii bishan ilaa sideeda bishan waxa ay rabshado ka socdeen magaalada Diridhabe, waxaana magaalada ka dhacay Jimcihii shir ay lee yihiin afarta kilin ee dhaca bariga dalka Itoobiya, waxaana shirka ka qaybgalaya abaandulaha ciidamada Itoobiya iyo wasiiro ka tirsan dowladda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category