Ragga iyo Dumarka Warbartay!

"Waxay aheyd gabar akhlaaq badan, aqoon leh, oo hawlkar ah. Hay'ad ayaan ka wadashaqeyn jirnay. Waxay u dallacday agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha hay'adda ee Koofurta Soomaaliya. Xushmad iyo tixgelin badan ayaan u heynay, waxayna aheyd qof afgaaban oo aan shaqada kaliya ka wadahadalno. Malaheyga, ma jirin qof shaqaalaha ka mid ah oo ku dhiirraday in uu gabadhaas shukaansi iyo xiriir hoose la sameeyo, waxaanse ogaa rag badan oo damac ka galay, balse ku dhiirran waayay. Waayo aqoonteeda, kartideeda iyo xilka ay hay’adda ka heysay ayaan ugu waabsaneyn.

Sanado kadib ayay maalin xafiiskeeda iigu yeertay, waxayna igu casuumtay arooskeeda oo asbuuc kadib Muqdisho ka dhici doono. Waxayna ii sheegtay in ay isla aqalgelayaan mid ka mid ah waardiyaha xarunta hay'adda! Waan rumeysan waayay. Si ay iigu xaqiijiso ayayna infiito ii soo taagtay. Waa run oo magaca infiitada ku qoran waa nin aftahan ah oo ka mid ah waardiyaha. Hambalyo kadib ayaan si kaftan ah u iri: meel aanan kaa fileyn ayaad nooga soo baxday. Waxay igu tiri: saaxiibow adinka ayaa halkii aan idinka filayay ka soo bixi waayay. Waayo ma jirin hal nin oo raggiinnaan aqoonta leh ee xafiisyada ka shaqeeya ka mid ah oo gabarnimo iila sheekeystay, ee damac guur igu soo hadalqaaday. Waxaana gaaray heer aan dumarnimadeyda ka shakiyo. Balse ninkaanu waa geesi. Waa ninka kaliya ee igu soo dhiirraday. Subixii markii aan shaqada soo gelayo ayuu hadal kaftan ah igu tuuri jiray. Qalbi bini-aadam waa bataatiye kaftankiisu wuu i karay, ee saaxiib nagala soo qeybgal xafladda meherkeenna ayay igu tiri. Inta farajacay ayaan ku iri: Libaax nin aan garaneyn ayaa lax ka rito ee Eebbe ha isu kiin barakeeyo.

Intii aysan aqalgelin ayay ninkii waardiyaha ka wareejisay, waxaana laga dhigay darawalka gaariga hay'adda. Subixii ayuu guryaheenna gaariga naga soo qaadi jiray, galabkiina wuu nagu celin jiray. Iyagoo saddex carruur ah isu dhalay ayaana iigu dambeysay oo aan shaqadii ka tegay."

Ustaad Cabdalla Xoosh aayaa dhacdadaan iiga sheekeeyay.

Ragga waxbartay badankood kuma dhiirradaan gabdhaha waxbartay, ee shaqooyinka fiican magaalada ka heysta. Qaarkood waxay ka cabsanayaan in hadal ka tago, oo waxay malaynayaan in ay gabdhahu meeleysan tahay. Qaar saaxiibbo hoose ayay la yihiin oo shukaansi iyo guur isuguma yimaadaan. Qaar kalena waxay aaminsan yihiin in aysan dhaqi karin gabar waxbaratay.

Waa run oo libaax nin aan aqoonin ayaa lax ka rito. Haddii ay ragga waxbartay ka gambadaan gabdhaha jinkooda ah, waxay u badan tahay in uu ku dhiirran doono nin aan aqoonteeda iyo shaqadeeda wax badan ka ogeyn, oo aaminsan: budo qabe iyo biyo waa isu baahan yihiin.

Intii uu uurku buki lahaa afku haku buko, ee shab dheh oo tijaabi nasiibkaada xitaa haddii ay PhD wadato.

W/Q: Hussein Sabrie

Category