Raysal wasaaraha Itoobiya oo isbaddel ku sameeyay golaha wasiiradiisa iyadoo wasiirka maaliyadda loo magacaabay ruux Soomaali ah

Addis Ababa (RH)- Baarlamaanka Itoobiya, ayaa maanta meel mariyey xubnaha cusub ee golaha wasiirada uu soo magacaabay Raysal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Xubnaha wasiirada cusub kala bar waa dumar

Warbaahinta qaranka Itoobiya ee FANA, ayaa baahisay tirada golaha wasiirada cusub kuwaasoo gaaraya illaa 20 qof.

Markii ugu horreysay taarikhda ayaa wasiirka gaashandhigga Itoobiya loo magacabay haweeney muslimad ah oo ka soo jeeda gobalka Canfarta, waana Caa'isha Maxamed.

Tirada golaha wasiirada ayaa la yareeyey iyadoo laga dhigay 20, halka markii horre ay ka ahaayeen 28.

Sidoo kale, ra'iisal wasaare Abiy ayaa abuuray wasaarad cusub oo ah “waasaradda nabadda” kadib bilo ay jireen iskudhacyo qowmiyeed, waxaana wasiir looga dhigay Muferiat Kemal, oo horey u ahayd afhayeenka baarlamanka.

Dr Workneh Gebeyehu ayaa sii hayn doona xilka wasiirka arrimahha dibedda, oo uu horey u hayey.

Gobalka Soomaalida, waxaa ugu jira Axmed Shide ayaa loo magacaabay wasiirka maaliyadda Itoobiya, isaga oo beddeli doona Abraham Tekeste.

Ahmed Shide ayaa horrey u ahaa wasiirka xafiiska arrimaha isgaarsiinta dowladda, ka hor inta aan xilkan loo magacaabin.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sii ahaan doona Workneh Gebeyehu.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in arrintan ay muhiim u tahay isbaddelka la rabo in laga hirgaliyo waddanka Itoobiya, kuwaasoo billowday markii uu talada dalka la wareegay todobbo bilood ka hor.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category