Sacuudigu waa in uu mushahar u siiyaa gabdhaha shaqaalaha ah ee reer Itoobiya ugu yaraan $266

Dawlada Sucuudiga iyo dhigeeda dalka Itoobiya ayaa gaadhey heshiis ku saabsan mushaharka ugu yar ee lasiinkaro gabdhaha reer itoobiya ee loo soo diro Sucuudiga si ay guryaha ugu shaqeeyaan.

Xadiga lacagta ugu yar lagu heshiiyey in mushahar ahaan loo siinkaro ayaa laga dhigay

1000 saudi Riyal oo udhiganta  (ilaa $266).

Heshiiskan ayaa lagu saxeexay kullan ay dhawaan yeesheen  Dr. Ergoge Tesfaye, Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada ee Itoobiya iyo Ahmed bin Suleiman bin Abdul Aziz Al-Rajhi, Wasiirka shaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada ee Sucuudiga.

Waxaaney sidoo kale labada wasiir sameeyeen laba kooxood oo korka kala socondoona meelmarinta heshiiskaas laba geesoodka ah kuwaas oo kulmi doona 6dii biloodba mar sida aanu kasoo xiganey saxaafada dalka Sacuudi arabai .

Waxa kale oo heshiiska ku jira waajibaadka labada dawladood taas oo ay ka mid tahay

1- In Itoobiya ay soo dirto , gabdho carbisan, oo caafimaad qaba si ay shaqadooda u gudan karaan iyo in gabadhkasta la soo hubiyo in aaney wax dambi ah hore usoo gallinI

Halka Sacuudigina uu heshiisku ku waajibinayo dhawrida xuquuqda gabdhaaas shaqaalaha ah.

Gabdhahan ayaa marka ay dalka yimaadaan loo akhriyi doonaa heshiis uu ku cadyahay waajibaadka lagarabo iyo xuquuqdooda gaar ahaaneed, waxaana loo furi doonaa xisaab bangi oo mushaharka loogu soo shubo si ay ugu dhibyaraato in ay lacag ugu dirikaraan qoysaskii ay ka yimaadeen.

Su'aashu waxa weeyi , gabdha shaqaalaha ah ee Soomaalidu iyaga duruuftoodu waa caynkee masa leeyihiin dawlad daba socota oo xaquuqdooda iyo waajibaadkooda ku ilaalisa.

 

Waxaa diyaariyey

Maxamed-amiin Siyaad Cabdi

Category