Sawirro: Abiye Axmed oo ka degay Jigjiga

Jigjiga (RH)-Ra'iisal wasaare Abiy Ahmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dagay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida halkaasoo ay ku soo dhaweyeen madaxweyne Mustafe Muxamed Cajgar iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad deeganka Soomaalida.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa booqashadooda lagu sheegay in ay la xiriirto siddii ay u soo arki lahaayeen baaxadda ay lee dahay abaarta ku dhufatay deeganka Soomaalida iyo saameynta ay reebtay.

Wafdiga ayaa meelaha ay booqdeen waxaa ka mid ah magaalada Qabribayax halkaasoo ay ku sugan yihiin boqolaal qoysas ah oo ay saameesay abaartaku dhuftay dowlad deeganka Soomaalida, waxana uu ra'iisal wasaarah ballan qaaday in gurmad isugu jira biyo nadiif ah, cunto, dawo iyo agab kale oo muhiim ah aysoo gaarsiin doonaan dadka ku sugan deegankan.

Ra'iisal wasaare Abiye Axmed oo booqday deegannada abaaraha ku dhufatay ee Dowlad deeganka

Sawirro la soo dhigay barta Twitterka ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa lagu arkayay dad iyo duunyo ay saameesay abaarta ku dhufatay deeganka Soomaalida, waxanaa 

Abaaar xooggan ayaa ku dhufatey dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, waxaana ay si isku mid ah u saameesay dadka iyo duunyada ku nool halkaas.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadish Somalia

Category