Shah Rukh Khan oo u gurmaday cunuggii damcay inuu kiciyo hooyadiis oo dhimatay

Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan ayaa la murugooday dhacdada ku saabsan cunug yar oo isku dayay inuu kiciyo hooyadiis oo ku geeriyootay goobta laga raaco tareennada.

Hay'adda samafalka Meer Foundation, oo uu leeyahay atoorahan, ayaa ballan qaadday inay dhaqaale ku caawineyso cunuggaas yar oo laga arkay muuqaal laga soo duubay boosteejada tareennada ee Muzaffarpur.

Ilmaha yar ayaa muuqaalka sida weyn u faafay laga daawaday isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis oo goobta ku geeriyootay, xilli ay jiraan dhibaatooyin heysta dadka qaxootiga ah.

Meer Foundation ayaa baraha bulshada ku shaacisay sawir uu ka muuqdo cunugga yar oo la jooga ayeydiis iyo awowgiis, kuwaasoo hadda xannaaneyntiisa la wareegay.

"#MeerFoundation way u mahad naqeysaa dhammaan dadkii nagu caawiyay inaan la xiriirno cunugga yar, oo muuqaalkiisa qalbiga taabanaya laga arkay isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga uu Shah Rukh Khan ku leeyahay Facebook.

Shah Rukh ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: "Waad ku mahadsan tihiin inaad nasoo gaarsiiseen arrinta cunugga yar. Dhammaanteen waxaan ugu duceyneynaa inuu awood u yeesho sidii uu u wajihi lahaa nasiib darrada ugu xun dunida ee ah inuu waalid kaa dhinto. Waan garanayaa sida uu dareenkaas yahay.. Jacayl iyo taageeraba waan kula garab taagan nahay yariisoow."

Shah Rukh wuxuu aabihiis ka dhintay isagoo ilmo yar ah, hooyadiisna waxay geeriyootay 30 sano ka hor.

Wareysi uu siinayay David Letterman, ayuu Shah Rukh ku sheegay inuu ka qoomameeyo "in waalidkiis ay waqti ku filan la noolaan waayeen, laakiin isagu uu ku duceysto inuu carruurtiisa muddo dheer la qaato".

"Waan la seexdaa carruurteyda, waan la sheekeystaa, dhibaatooyinka heysta ayaan la xalliyaa, waana necbahay marka ay caqabado kala kulmaan lamaaneyaashooda dhinaca shukaansiga", ayuu yiri.

Hay'ado dhowr ah oo uu leeyahay jilaagan sida; Kolkata Knight Riders, Red Chillies Entertainment, Meer Foundation iyo Red Chillies VFX ayaa ku dhawaaqay inay gacan ka geysan doonaan sidii dowladda Hindiya looga caawin lahaa inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhashay cudurka Covid-19 iyo dagaalka lagula jiro.

bfghy

Xanuunkaas ayaa saameyn ku yeeshay dadka reer Hindiya ee quutul daruurigooda ka heli jiray shaqooyinka ay maalintii qabtaan. Howlaha noocaas ah ayaa la joojiyay markii xayiraad la galiyay dhaqdhaqaaqyada waddanka oo dhan, si loo yareeyo faafitaanka cudurka safmarka ah.

Coronavirus ayaa sidoo kale hakad galiyay Dhammaan dhaqdhaqaaqyadii shirkadda filimada sameysa ee ugu weyn qaaradda Aasiya, ee Bollywood, taasoo uu fadhigeeda yahay dalka Hindiya.

Qaar badan oo ka mid ah jilayaasha shirkaddaas ayaa ka qeyb qaadanaya caawinta dadka ay heystaan dhibaatooyinka ka dhashay cudurkan.

 

isha warka. BBC

 

 

Category