Shaqaale Turki oo lagu qarxiyay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray shaqaale Turki ah oo ku sugnaa wadadda u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Goob-jooge ayaa u sheegay Radio Hormuud in qaraxa ay ku dhaawacmeen shaqaalaha Turkiga ee dhisaya jidka u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale ciidamo ka tiran dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Shaqaalaha Turkiga ayaa qandaraas ku qaatay dhismaha wadadda dheer ee xiriiriya Muqdisho iyo Afgooye.

Amniga dhismaha wadaddan ayaa ilaalinyay ciidamo gaar ah, waxaana ka dhacay dhowr mar weerarro oo waxaa ugu dambeeyay weerarkii Ex-control Afgooye oo dad badan oo ay ku jiraan arday ay ku dhinteen.

Radio Hormuud

Studio3

Mogdishu Somalia

Category