SHEEKO: Dhiiqo ayay lugaha u gelisay!

Sanadkii hore ayay Ikraan jaamacad ka qalinjebisay, welina shaqo ma helin. Bil ka hor waxaa guursaday Daahir oo ka shaqeeyo bangi uu kaashiyeer ka yahay. Eeddadeed Ifraax oo Sweden deggan ayay guurka iyo nolosheeda kala sheekeysatay. Waxayna u sheegtay in iyada iyo ninkeeduba ay hal shirkad iskala shaqeeyaan, biilka gurigana ay isla bixiyaan, ayna kala qeybsadaan shaqada guriga.

Habeen hore markii uu Daahir fiidkii guriga soo galay ayuu indhaha ku dhuftay firsho iyo indhaxumo uusan jecleysan. Ceebteed ma aha ee waa caadadeed ayuu is yiri. Iyadoo musalsal ku daawanaysa qolka fadhiga ayuu u galay. Gacaliso ii warran? Maanta Khamiis ayay aheyd shaqada ayaa igu badneyn, daal iyo baahi ayaana tacbaan la ahay ee casho iga soo gaarsii, hooyo ayaana berri noo soo Jimceysanaysa ee ku talagal ayuu ku yiri.

Casho ma karin, shaqada guriga kalama xigno ee orod oo kushiinka gal ee casho noo habeey ayay ku tiri. Kadibna TVgii ayay ku jeesatay. Inta jeejeestay oo madaxa xoqday ayuu ku yiri: Ilaahow balaayo qoorta ha noo gelinin. Walaaley mana kuu soo shaqayhaa, mana kuu soo karihaa? Oo adna xaad noo qabahee marka? Waayehee adugu noo soo shaqeey, anaa badarka noo karaahe, ayuu ku yiri.

Habeen hore cunto uu maqaayad ka soo gaday ayay ku casheeyeen. Subixiina waxaa timid hooyadiis. Markii ay ka naxday firshada guriga ayay xaaqin qaadatay. Maamadu waxay is laheyd gabadha haddii ay dadnimo iyo ixtiraam ku dambeeyaan way kaa qaban doontaa xaaqinka, balse way ku fiirsatay.

Wiilkeeda Daahir ah oo ay u cuntami waysay hooyadiis oo gurigiisa xaaqeysa ayaa xaaqinkii la qabsaday, wayna ka diidday. Gabadhii ayaa soo istaagtay. Xaaqinka ayay qabsan doontaa oo iyada ayaa guriga hagaajin doonto ayay is dhaheen. Inta wiilkii ku jeesatay ayay ku tiri: wah. Buuqa maxaa keenay? Iyada maanta ha xaaqdo, adigana berri xaaq nooh! Qolka fadhiga ayayna ku laabatay.

Habartii warkii ay maqashay ayay rumeysan waysay. Allow been ka dhig ayay is tiri. Hooyo tan naagu kaa raaci mee ee yaysan cawada kula hoyan ayay ku tiri. Galabkiina maamadii way ka tagtay. Xalay fiidkii ayuu furay gabadhii ay halka bil wada noolaayeen. Naag la furay fadhi uma yaale, xalayba guriga habarteed ayay u hoyatay. Khalaas.

W/Q:Hussein Sabrie

Category