Shiradda Ku Guulaysatay Dayactirka Biriishyada Burco Oo Lagu Dhawaaqay

Burco(RH)Guddida qadaraasyada qaranka Somaliland, ayaa magaalada Burco kaga dhawaaqay shirkadda ku guulaystay dayactirka dhismaha labada biriish ee magaalada Burco.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen, ayaa  sheegay in qadaraaskaas ay u tartameen shan shirkadood oo kuwa dhismaha ah,waxaana iskugu soo hadhay  labada shirkadood ee Hirad iyo Guuleed. Guddoomiyuhu wuxuu  sheegay in shirkadda Hirad ay ku guulaysatay qadaraaska dayactirka labada biriish ee magaalada Burco.

Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad), oo munaasibada ka hadlay ayaa xukuumadda Somaliland uga mahadceliyay sida deg-dega ah ee ay uga soo jawaabtay baaqii dayactirka labadaas biriish.

 Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Nafaqo ayaa shirkadda Hirad ku bogaadiyey guusha ay ka gaadhay tartankaas, waxaanu u soo jeediyey inay labadaas biriish sida ugu habboon u dayactiraan.

Eng. Faarax Xuseen oo ka mida masuuliyiinta shirkadda dhismaha Hirad ee ku guulaysatay tartankaas oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkadooda xil culusi fuulay, waxaanu shacabka degmadaas ka codsaday inay hawshaas ku taageeraan.

 

Category