Shirkii Nabadaynta Ceel-Afweyn Oo Dib U Furmay Iyo Qodobo Laga Soo Saarey

Ceel-Afweyn(RH)Waxaa maanta dib u furmay shirkii   nabadaynta ee deegaanka Ceel Afweyn kaasi oo muddo shan maalmooda  hakad galay si loo soo dhamaystiro baahiyaha aasaasiga ah ka qabyada ahaa labada dhinac,

 Shirka oo ay shirgoominayeen gudida shirgudoonka ah ee uu gudoomiye u yahay Suldaan Dhawal ayaa saaka marki uu furmay ay hadalo dardaarana ka soo jeediyey labada madaxweyne ku xigeenkii hore ee somaliland iyaga oo beelaha walaalaha ah ugu baaqay inay maanta qar qaataan oo ku qancaan kitaabka alle iyo shareecada arintana nabada kusoo dabaalaan cidii u hogaansami weydana dhan looga soo wada jeedo.

 

Waxaa halkaasi ka hadlay suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar waxaana uu sheegay in dhanka uu afkooda ku hadlayey ciidamadii kala direen garnaqsigana diyaar u yihiin.Intaasi Kadib waxaa hadalka la wareegay Suldaanka Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse waxaana uu sheegay in dhanka uu xidhaha u yahay inay ciidamadii maleeshiyaadka ahaa la kala diray garnaqsidana ay wax ka dhiman yihiin.

 

 

Gaba-gabadii waxaa halkaasi ka hadlay  afhayeenka Shir gudoonka Sheekh Ismaaciil Sheeg waxaana isku noqod iyo shuuraysi shir gudoonka ah kadib sheegay in shir guddoonku isla qaatay in iyada oo la tix galinayo markii labaad Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse  in dib loo dhigo gar naqsiga oo bari la bilaabo garnaqsiga labada dhinac.

Shir gudoonku  waxaa uu madashaasi ka jeediyey qodobada habsami u socodka shirka ku waasi oo bari dhaqan gali doona.

    1- Inaan Wax Mobil ah haba yaraatee Shirka lala soo gali Karin

    2- In dhamaanba warbaahin idam la’aan shirka gali Karin duubina Karin

    3- In shirku bilaabmayo 8:30 subaxnimo ilaa inta garnaqsigu ka

    dhamaanayo kaasi oo loogu tago galay maalin

    4- In labada dhinac garnaq si gooda u qoondeeyaan sadex nin oo

    kaliya dhinac kasta

    5- In aan la dhaarin Karin ergada xidhayaasha ah

    6- In dhan walba laga dhaarin doono 21 xubnood

 

 

Category