Shirweyne looga hadlayo Soomaaliya oo ka furmay Brussels

Brussels (RH)- Magaalada Brussels ee xarrunta waddanka Belgium, waxaa ka soconaya shirweyne caalami ah looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka qeybgalayaan Midowga Yurub iyo hey’addaha caalamiga si beesha caalamka loou baraarujiyo in la kordhiyo taageerada la siiyo dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo daba socday shirar ka kala dhacay Muqdisho iyo London ayaa si gaar ah looga hadlaya dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda federaalka iyo maamul goballeedyada Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka.

Shirka oo galay maalintiisa koowaad, waxaa shir guddoominayey ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Midowga Yurub iyo madax ka socota QM, waxaana inta badan shirka maanta diiradda lagu saaray sida loo ogaan lahaa dhaqaalaha Soomaaliya ku baxayey ee ka immaanayaye beesha caalamka iyo sida loo maareeyey.

Wasiiradda arrimaha dibadda, amniga, maaliyadda, dastuurka iyo guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka ayaa shirka ka hadlay, iyagoo dhammaan soo bandhigay wax yaabaha ay qabteen.
Shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Brussels

Beesha caalamka iyo QM waxa ay madaxda Soomaalida ugu baaqeen in laga gudbo is qabqabsiga iyo khilaafka ka dhexeeya madaxda Soomaalida sida maamul goballeedyada iyo dowladda dhexe, siyaasiyiinta mucaaraadka iyo dowladda, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in la isla xisaabtamo.

Shirkan ayaa u muuqda mid la isla xisaabatamayo iyadoo dowladda federaalka ay beesha caalamka uga fadhido in ay soo bandhigto taageerada ay siiso Soomaaliya, halka beesha caalamka uga fadhida madaxda Soomaalida in ay soo bandhigaan wax yaabaha ay ku qabteen dhaqaalaha ay siiyeen.

Shirka berri ayaa la soo gabagabeen doonaa, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlayo arrimaha looga hadlay shirka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category