Somaliland Global Diaspora Forum  Oo Bulshada Uga Digay Xanuunka Covid-19

SOMALILAND GLOBAL DIASPORA FORUM  iyada oo si dhaw isha ugu haysa dhacdooyinka dunida ka socda ee uu sababay xanuunka COVID-19 masuuliyadina ka saarantahay iftiiminta iyo tusida shacabka reer Somaliland hadba waxii ay u aragto in uu dhib iyo hagardaamo u keenayo ummada ayaanu idinla wadaagi doonaa qoraalkan kooban.

 

Muddo Shan bilood ah oo xanuunkani caalamka haystay wuxuu ku dhacay dad ka badan 1,226,644 isagoo gallaaftay in ka badan 66,560 qof oo ku kala nool illaa 183 dal oo dunida ah. waxaa la saadaalinayaa in xanuunkani uu ku dhici karo 40-60% dadweynaha caalamka waa sida ay saadaalinayaan khubarada caafimaadku, halka laga cabsi qabo inuu dilo dad ku dhow 45 Milyan oo qof, haddii aan si dhakhso ah loo helin dawadiisa. Maraykanka ayaa ah dalka uu xanuunku sida weyn ugu faafay iyada oo la xaqiijinayo in dadka uu xanuunkani ku dhacay ay ka badan yihiin guud ahaan 321,762 iyada oo dhimashaduna marayso illaa 8,503 qof. Magaalada New York ayaa illaa haatan ah magaalada uu xanuunku sida ugu ballaadhan u halakeeyey, waxaana tirada dadka xanuunkan laga helay ee ku nool New York ay gaadhaysaa in ka badan 122,056 oo qof halka dadka u dhintayna ay tiradoodu marayso in ka badan 2,624 qof.

Dawladdii Maraykanku waxay la’dahay meel ay kala dhigto bukaankeeda,  waxay raadinaysaa agabka ay xidhaan mihnadlayaasha caafimaadku si ay xanuunkan isaga ilaaliyaan, taas oo keentay in dawladda Maraykanka lagu eedeeyo inay badda ka soo leexsatay markab agab caafimaad u siday dalka Jarmalka oo la leeyahay waxaa dawladda Maraykanku u isticmaalaysaa inay kula dagaalanto xanuunkan. sidoo kale Dawladda Canada ayaa Maraykanka ku eedaynaysa inuu hakiyey agab caafimaad oo ay ka dalbatay wershed ku taalla Gobolka Minnesota. Cusbitaalladii Maraykanka ayaa raadinaya Oxygen ay kula tacaalaan bukaanka, waxaana taasi ay keentay inay mucaawano weydiistaan dalka Shiinaha oo tartan ka dhexeeyo. Kumanaan ka mida shaqaalaha caafimaadka iyo saraakiisha ciidamada ee dalalka waaweyn ee caalamka sida Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga iyo wadamada kale ee Yurub ayaa u geeriyooday xanuunkan iyaga oo la tacaalaya bukaanka xad-dhaafka ah.

Haddaba xanuunkan COVID-19, waxaa awoodi waayay inay iska xakameeyaan quwadihii caalamka ee haystay dhaqaalaha nooc walba, kuwaas oo illaa haatan uu si xawliya ugu fidayo.

 

 

Mar hadii xaalku sidaas u culusyahay  waajib qaran iyo mid labadaba ay tahay in  la helo ka hortag ka turjumaysa taagteena iyo tamarteena ,in badana aynu kala midnahay badiba wadamada Africa oo farsamo ahaan iyo awood ahaanba aan u diyaarsanayn ka jawaabida masiibooyinka dabiicaga ah ee dhakhsaha u faafa sida cudurada iyo kuwa halmar nolosha halaaga dad badan iyo deegaanba hadana cudur daar ma noqonayso in aynu daawano oo aynu niyad wadanaag kusoo dhawayno dhobaatooyinka aan naxiista iyo naxdintoona u lahayn dadkeena .

Hadaba iyada oo SOMALILAND GLOBAL DIASPORA FORUM war war badan ka qabo xaalada guud ee caafimaad ee wadanka dhawaana la xaqiijiayay xaaalado la hubo guud ahaan dadka reer somalliland iyo dadyawga jaarka la ahiba ay si mugle ugu dayacan yihiiin  faafida xanuunka iyadoo aanay cidina qadarta ka baxsanayn hadana waxaa waajib ah in aynu qaadno dawlad ahaan taalbooyinka lama huraanka ah ee qayb ka noqon kara yaraynta faafida cudurkan ,taasoo dunidu badiba wado cad u jeexday iyadoo lala kaashaano khubarada xanuunada faafa ee dunida iyo lababka (laboratories)

Inagoo ka faaiidaysana kaydka cilmiga dunida oo cid kasta oo adeegsataa ay xaq u leedahay waxaa inala gudboon ummad ahaan madax iyo shacaba in aynu qaadno talaabooyinka wax ku oolka ah wakhtiga ku haboon inta  ay goori goor tahay.

Sidaas aawadeed waxay ay SOMALILAND GLOBAL DIASPORA FORUM ku talinaysa qodobadan hoos ku xusun.

 

1-in la joojiyo dhamaan duulimadyada dunida ka imanaya lana xidho dhamaan xuduudaha dalka, sidoo kalena waxaanu ugu baaqaynaa qurbe-joogta inay hakiyaan safar walba oo ay ku tegeyaan gudaha dalka, inta xanuunkani socdo.

 

2-in la joojiyo dhamaan badeecadaha aan loo bahnayn sida (qaadka) ee nolosha dadka reer Somaliland aan taabayn.

 

3-in loo helo shaqaalaha caafimaadka qalab ku filan oo ay iskaga difaacaan viruska si ay ugu dhiiradaan inay u shaqeeyaan dadwaynah.

 

4-in dadweynuhu u hogaansamaan dhamaan talooyinka iyo fariimaha caafimaad ee ka soo baxaya madaxda iyo masuuliyiinta caafimaadka .

 

5-in qof waliba ku eekaado gurigiisa masuuliyadna iska saaro ummada oo aanu u bixin  waxii muhiiima mooyee.

 

6-in culimadu ka qayb qaataan ,xoojiyaana dhisida wacyiga caafimaad ee bulshada .

 

7-in laamaha nabad gelyadu qaybtooda ka qaataan sidii ay tallaabo uga qaadi lahaayeen ciddii ka hortimaadda amarada lagu xakamaynayo xanuunkan isla markaana loo sameeyo goob gaar ah oo lagu hayo, si aan loo dhexgeyn maxaabiista kale.

8-dunida waxa ka jira hagardaamooyin laysu maleego ee iyadana hoos loola socdo dhaqdhaqaaqyada dhagaraysan ee dadka qaar xanuunka dhex marsan karaan.

 

9. Waxa kale oo dawlada ku waajiba in maceesha umaada la ciirciiraysa dhaqaalo xumada iyo shaqo lanata aan lagu qaaliyey maceeshda oo gacansatadu aanay ka faaidasyn xilaga adage e lagu jiro iyo in waxa lagaadhsiiyo dhaman dad shacabka ah e danyarta ee uu samyey masiibadan aduunkii manta sintay.

10. Waa in dawladdu ay la

 

 wareegtaa harqaanlayaasha (Tailors) isla markaana ay ku amartaa inay diyaariyaan agab gudaha dalka lagu sameeyey oo saamixi kara in la iskaga difaaco xanuunka maadaama aan haatan laga helay wadamadii caalamka oo dal waliba u baahan yahay agabkaas.

 

11. Xukuumaddu waa inay hakisaa oo go’doon gelisa maxaabiista kala duwan, isla markaana ay la timaadaa qorshe aad u sarreeya oo lagu daryeelayo maxaabiista, lana joojiyo in ciidanka asluubtu ay xidhiidh la sameeyaan bulshada caadiga ah oo ay ku jiraan qoysaskoodu inta xanuunkani socdo, si looga hortago in xanuunkani ku dhaco cidanka asluubta iyo maxaabiistaba.

 

12. Ciidamada Qaranka waa in xeryahooda Quarantine ama go’doon la geliyaa, oo aan loo ogolaan inay xeryaha ka baxaan sidoo kalena waa in la qayb-qaybiyo si haddii qayb ka mida xanuunku ku dhaco ay qaybaha kale badbaadaan. waana tallaabooyinka taxadirka leh ee ay qaadeen wadamada caalamku si aan dawladnimadu u burburin.

 

Category