Somaliland  Oo Daah-Furtay Barnaamij  Lagu Diiwaan Gelinaayo Mihnad-layaasha Caafimaadka

Hargeysa(RH)Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa Daah-furtay Nidaam Casri ah oo Loo Diiwaangelinayo Mihnadleyaasha Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19.

 

Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka, waxana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga iyo u diyaar-garowga xanuunka COVID-19, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, mudane Cumar Cali Cabdilaahi, wasiir-ku-xigeenkiisa, agaasimaha guud, xubno kale oo kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, waxana madasha lagu faah-faahiyey muhiimadda uu nidaamkanu u leeyahay guud ahaanba qaranka iyo badqabka bulshada reer Somaliland.

 

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane, Cumar Cabdilaahi Cali oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nimaadkani leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo yaraynta isu imaanshiyaha bulshada, isaga oo intaas ku daray mihnadle kasta oo isa soo diiwaangeliya ay wasaaraddu si fudud u arkayso macluumaadkiisa iyo heerka aqoontiisa, islamarkaana uu noqon doono adeego bulsho waqti kastiga loo baahdo inta xanuunkani jiro.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isaguna bogaadiyey nidaamkan casriga ah ee sida fudud loogu diiwaangelinayo xirfadleyaasha caafimaadka, waxana ugu baaqay cid kasta oo aqoon caafimaad leh inay is diiwaangeliso, si ka hortagga Aafada COVID-19 loogu helo xirfadleyaal aqoon buuxda u leh arrimaha caafimaadka.

Category