Somaliland Oo Maanta Xidhay Xuduudaha ay la Wadaagto Ethiopia.Jabouti iyo Somalia

Hargeysa(RH)Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay  u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19, ayaa xidhay xadka dhulka ah ee Somaliland  la leedahay Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.

Guddidu waxay sidaas ku sheegtay warsaxaafadeed xambaarsan go’aanno muhiim ah oo ay maanta soo saartay, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warqabadka Radio Hormuud, waxaanu u Dhigaa sidan:-

“Guddida heer Qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka hortagga xanuunka COVID-19 ka dib markay qiimayn ku samaysay xogaha iyo xaaladdihii u danbeeyey ee la xidhiidha xannuunka saf-marka ah ee COVID-19 ee haleelay dunidda, isla markaaana ay darseen hawlaha loogu diyaar-garoobayo lagagana hortagayo xannuunka COVID-19, waxay go’aamiyeen qodobadan hoos ku xusan:

1.      Ugu horrayn, waxa Bulshada Somaliland lagu adkaynayaa in ay ka taxadaaraan halista xannuunka COVID-19, ayna raacaan farriimaha wacyigalinta ah ee loogu talo galay ka hor-tagga xanuunka COVID-19 ee bahda caafimaadku la wadagaayso bulshada.

2.      Guddidu markay qiimaysay xaaladda rakaabka ka soo dagaya Madaarka Cigaal International Airport, waxay go’aamisay in dhammaan rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 25th March 2020 muddo 14 cisho ah lagu haynayo goobo gaar ah (QUARANTINE), muddadaas oo la hubin doono xaaladdooda caafimaad, iyagoo rakaabkaasi isu qabi doona kharashka ku baxaya muddadaas 14-ka cisho ah ee  la haynayo.

3.      Waxa la xidhay dhamman xadka dhulka ah ee Somaliland ay la leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBUTI IYO SOOMAALIYA muddo 3 toddobaad ah, laga bilaabo 26th March 2020, 06:00 PM, waxa kaliya oo ka soo gudbi kara waxyaaabaha daruuriga ah sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee caafimaadka iyo Baddeecadaha Ganacsiga.

4.      Waxa la xidhay dhammaan Marsooyinka Badda ee Somaliland marka laga reebo DEKADDA BERBERA oo ay ka soo degi karaan waxyaaabaha daruuriga ah sida Raashinka, Shidaalka,  Daawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee caafimaadka iyo Badeecadaha Ganacsiga laga bilaabo 26th March 2020, 06:00 PM.

5.      Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay’adaha madaxa-bannaan ee dawladda waxa lagu wargalinayaa in ay shaqaalaha ay ka maarmayaan ay faraan in ay ku shaqeeyaan guryahooda iyagoo ku jiraya heegan  buuxa. Arrintani ma saamaynayso Wasaaradaha iyo Hay’adaha hoos ku xusan  oo duruufo gaar ah awgeed loogu baahan yahay inay si buuxda u shaqeeyaan.

a.      Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

b.      Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

c.       Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka

d.      Shaqaalaha Madaarka Cigaal International Airport

e.      Shaqaalaha Dekadda Berbera

f.        Shaqaalaha Haamaha Shidaalka Berbera

g.      Shaqaalaha Wadada Ceergaabo-Burco

h.      Shaqaalaha Baangiyada Somaliland

i.        Shaqaalaha Dawladaha Hoose ee dalka

6.      Hay’adaha dawladda ee u xilsaaran fulinta go’aannada loogu diyaargaroobayo lagagana hortagayo COVID-19 ee guddidu soo saartay, waxa lagu wargalinayaa in ay cid kasta oo ka dhaga adaygta hirgalinta go’aamadan ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.

 

Category