Somaliland Oo Shaacisay labadii Qof ee Ugu Horeeyey Ee Laga Helay Xanuunka COVID-19

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cumar Cali Cabdilaahi (Badde) oo ay weheliyaan Gudida Ka Hortaga iyo U Diyaargarowga CoronaVirus ayaa xaqiijiyey in laba qof oo qaba Xanuunka COVID-19 laga Helay gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Laba qof ayaa kala ah muwaadin reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Ingiriiska kaasi oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer , halka qofka labaad ee laga  helay caabuqa COVID-19  uu yahay Nin U dhashay dalka Shiinaha oo ku sugan magaalada Berbera .

 

Labadan qof ayaa ka mid ahaa Saddexdii qof ee wasaarada caafimaadku karantimeysa kuwaas oo dheecaankooda baadhis loogu diray dalka dibadiisa.

 

Category