“Soomaaliya waa dal aan la hayn ciidamo Difaaca”

Nairobi (RH)- Wargeyska Foreign Policy ayaa qoray warbixin uu ku soo bandhigayo sida Soomaaliya anay u lahayn ciidan difaaca iyo sida AMISOM aysan uga go’neen in ay ka shaqeeyo xasillinta ammaanka dalka Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ammaanka Muqdisho iyo qeybo badan oo dalka ah weli uu ayahay mid halis ah, waxaa warbixinta lagu soo qaatay qaraxyo ka dhacay toddobaadkii horre ee magaalada Muqdisho iyo wiil dhallinyaro oo caan ah oo Muqdisho lagu dilay kaasoo abuuray ganacsi cusub.

Warbixinta waxaa ugu darran qoraal laga soo xigtay sarkaal u dhashay waddanka Uganda oo leh “Soomaaliya waa sida Doofaarka lama daahirin karo”hadaan maanta dalka ka baxno, markaba waxaa la wareegaya kooxaha kasoo horjeeda dawladda Federaalka”

Qarmada Midoobay iyo dalalka reer Galbeedka waxa ay marwaliba sheegaan iney ka go’antahay dhisida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, balse waa waxba kama jiraan, sidaasi waxaa lagu yiri Maqaalka Wargeyska Foreign Policy.

“Qof walbo oo Soomaali ah wuu oggyahay in AMISOM aysan rabin iney ka tagto Soomaaliya, waxeyba noqon doonaan hay’ado amni oo si gaar ah loo leeyahay oo calooshood u shaqeysta” ayuu yidhi Lataliye Wargeysku wareystay.

Toddobaad ayaa laga joogaa markii Golaha amniga QM ay isku raaceen in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ilaa bisha May sanadka 2019-ka.

Xiggasho:Foreign Policy

Category