Stefan Löfven oo dib loo cumaamadey 131 maalmood xilligii doorashada lagalay kadib.

RH: 131 maalmood oo legdan siyaasadeed ah kadib maanta ayaa baarlamaanka Sweden dib udoorteen 

Stefan Löfven  oo doorashada kahor isagu raisal wasaare ahaa kana soo jeeda xisbiga Socialdemokraten.

 

Halkaas ayuu ku soo gabagaboobay xurguftii siyaasadeed ee ugu dheerayd taariikhda dalka Sweden.

waxaa u codeeyay 115 xubnood waxaa ka aamusey 77 xubnood waxaa diidey 153 xubnood.

sidaas ayaanu ku ansaxey maadaama oo aan lagu  hor istaagi karin doorashadiisa  wax kayar 175 cod.

 

Sidaas ayaanu ku soo dhisi doonaa dawlad ka kooban xisbiyada  Casaan Cagaarka  oo dawladii horeba ka koobneyd .

kalliya waxaa ku soo kordhay in ay dawlada cusub go'aamadeeda tallo ay ku yeelanayaan xisbiyada  Centerpartiet og Liberalern oo aan hore tallo iyo saameyn toona ugu laheyn.

Waxaana sidaas looyeelay si geed loogu xidho xisbiga xagjirka ah ee soogalootiga neceb kaas oo  lagu magacaabo Sveria Demokraten.

 

waxaa diyaariyey 

Maxamed-amin Siyaad Cabdi

RH. Kolding

Category