Switzerland: Nin soomaaliya oo dil u geystay Soomaalikale , waamaxay sababtu?

Soomaali magaciisa lagu sheegay Fahad Shire Yasin ayaa lagu dilay magaalada Geneva ee dalka Switzerland sida qorey wargeyska 20 Minuten ee kasoo baxa dalkaas.

sida uu sheegay wargeysku qoys deegaan ku ah magaalada Geneva ayey kusaabsantahay qisadani waxaana warbixinada la qoray lagu sheegay in ninka dilka geystay oo magaciisa yahey Mohamed Ahmed uu ka cadhooday xidhiidh jaceyl oo  lala sameeyay xaas ay kala tageen oo afar caruur ah uhaysa.

Dilka waxaa loo adeegsaday Tooreey, sidoo kalana Mohamed wuxuu dhibaato soo gaadhsiiyay xaaskiisii hore oo hadda ay taalla mid ka mid ah isbitaalada magaalada Geneva.

Shaqsiga dilka geystay, sidoo kalana dhibaatada u geystay xaaskiisii hore waxaa da’diisa lagu sheegay 32-jir, wuxuuna u shaqeynayay shirkad cunnooyinka dadka ugu geysa guryaha.

 

Booliiska ayaa qabtay, waxeyna weydiin doonaan su’aalo la xiriira falka uu geystay iyadoo sharciga dalka Switzerland u yaalla uu yahay inuu wajaho xabsi inta u dhaxeysa shan ilaa sideed sano.

Sidoo kale ninkan wax dilay dhawaan ayuu soo galay dalka Switzerland wuxuuna wajahi doonaa musaafuris marka uu dhameysto xabsiga.

Category