Taliyaha Booliska Somaliland Oo  Soo Bandhigay Qorshe Dib U Habayn iyo Tayayn Loogu Samaynayo Ciidanka Booliska

Ceerigaabo(RH)Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland ayaa shaaciyay in ay dejiyeen qorshe la doonayo in dib-u-habayn aqooneed lagu sameeyo ciidamadda booliska Somaliland

Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale), waxa uu sheegay in ay dejiyeen qorshe shan sanadood ah oo la doonayo in lagu dhiso ciidamadda booliska ay boolisku u noqdaan ciidan shacabku ka haybaystaan.

Taliyaha booliska Somaliland oo khudbad u jeedinayay ciidamo boolis ah, isagoo safar shaqo ku maraya magaaladda Ceerigaabo, waxa kaloo uu tilmaamay in dhawaan la furayo jaamacad ay maalgelinayso dawladda Ingiriiska oo lagu tababarayo booliska Somaliland.

Waxa kaloo taliyaha booliska Somaliland uu ka hadlay qorsheyaal kala duwan oo la doonayo in lagu tayeeyo aqoonta, xirfadda iyo kartidda booliska, isla markaana ay uga dan leeyihiin in ay ku soo baxaan saraakiil da’ayar.

Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale),  oo ka hadlayay qorsheyaashaasi wax auu yidhi,  “Aniga qorshaygu waxa weeyaan, in aan caddaalad sameeyo intii aan karro. Waana qorshayga koowaad.  Markaa ciidanka boolisku ha arko meel la hiigsanayo in ay jirto, oo Raggu ku tartamo.

Waxaan doonaynaa oo ilaa madaxweynaha aan isla og nahay, in booliska dib-u-habayn lagu sameeyo booliska, oo boolisku is-bedello, oo boolis sharaf leh, oo dadku ka danbeeyo, oo iyag-na dadka ka danbeeya, oo dadka la saaxiib ah, dadka isaga badhaan, oo qofka in ay sharci qabanayaan la barto”.

Waxaanu intaas ku daray, “Waxaa imika jirta, saddex arrimood. Qorshaha (strategic plan) ciidanka booliska ayaanu samaynay, oo imika waanu wadnaa. Waxaana ka mid ah, in ciidanka booliska oo dhan la xareeyo, labataan maalmood qolo walba gobolkeedda, oo la barayo ilaalinta xuquuqda iyo dad la dhaqanka (human rights training).

Boolisku waa saaxiibka dadweynaha, boolisku waa adeegaha dadweynaha. Qofka sharciga ku ilaali. Laakiin, iinsaan ahaan iyo islaam ahaan ba wuxuu kugu leeyahay hagaaji. Waa in uu qofku markaa fahmaa in ay cadaaladu halkan tahay.

Waxaa inoo balan ah, ta koowaad waa cadaalad. Ta labaad waxaan ku balamaynaa, in aynu xidhiidhka inaga iyo dadweynaha inoo dhexeeya wanaajino. Qodobkaa aynu iska ilaalino, waayo? dadku waa dadkeenii. Waxa kaloo la inaga rabaa in aynu ka korno sidii hore, is dhex fadhigii hore ma jirayo, ogaadda imikaba taa imikaba”ayuu yidhi Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale).

Geesta kale taliyaha booliska Somaliland waxa uu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii ciidan saraakiil ciidan oo da’yar loo soo saari lahaa, isla markaana bisha March ee sanadkan la furi doono jaamacad lagu tayaynayo aqoonta ciidamadda booliska.

Waxaanu yidhi, “Waxaan doonaynaa in aan soo saarno saraakiil yar yar in aanu soo saarno. Waana khasab taasi. Waynu dabar go’aynaa haddii kale. Xilka u weyn ee I saarani, waa in ay ragg dhalinyaro ahi soo baxaan, qorshaha ayay ku jirtaa.

Jaamacad baa dhamaanaysa bisha March, Ingiriiska ayaa dhisaya. Waana jaamacad weyn, oo qurux badan, hurdadii, cuntadii iyo wax walba leh. Sanadkiiba waxaa loogu tallo galay in ay sodon nin ka baxaan”.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka boolisku waxa uu sheegay in dib-u-habaynta ay ciidamadda ku samaynayaan ay qayb ka tahay gaadiidka, isgaadhsiinta, iyo sidoo kale in saraakiisha dedaalka la yimaadda la abaalmariyo.

Iyadoo qorshahoodda ay ka mid tahay in askari kasta lagu dalacsiiyo aqoontiisa, isla markaana uu noqdo mid aqoontiisa ku meel mara. Waxaanu yidhi, “Dadkii waa in dib-u-habayn lagu sameeyo, gaadiidkii waa in dib-u-habayn lagu sameeyo, isgaadhsiintii waa in dib-u-habayn lagu sameeyo, oo dadku ay wax hiigsadaan.

Mida kale waa in aynu abaal-marino  samayno, oo qofku wax hiigsado, oo qof na ILLAAHAY SWT mooyaane aanu cid kale iksu halaynin. Qof walba isaga ayay ku xidhan tahay in uu dedaalo, mida kale qofku waa in uu hami leeyahay, waan idinku dhiiri gelinayaa.

Qofkii dedaal la yimaadda, waa in la abaalmariyo. Derejo ha noqoto, lacag ha noqoto, dhiiri gelin ha noqoto, bedel aan meel wanaagsan gayno ha noqoto, dalacaad ha noqoto”.

 

Category