Trump iyo Kim oo kulan taarikhi ah ku yeeshay Singapore

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Kim Jong Un ayaa maanta oo Talaado ah kulan taarikhi ah ku yeeshay dalka Singapore.

Labada nin ayaa kulanka kaddib kala saxiixday heshiis ka kooban afar qodob oo muhiim ah.

Un ayaa ku celiyey in dalkiisa uu diyaar u yahay sidii gacanka Kuuriya uu u noqon lahaa mid ka caaggan hubka nukleerka.

Madaxweyne Trump ayaa ballan qaaday in ay damaanad qaadayaan ammaanka dalka Kuuriyada Waqooyi.

Image removed.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ballan qaaday in uu mid kasta ka shaqeyn doono nabad waarta oo ka hirgasha gacanka Kuuriya isla markaana la aasaaso xiriir cusub oo labada dal waa Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Sidoo kale, labada hoggaamiye ayaa ku heshiiyey sidii loo soo deyn lahaa maxaabiista lagu qabsaday dagaalkii labada Kuuriya isla markaana la sii wado xiriirka labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay hotel qurux badan oo ku yaalla Singapore, waxaana kulankooda uu qaatay 24 daqiiqo, halkaasoo ay adduunyada ka daawanayeen heshiiska ay gaareyn.

Un ayaa markii uu heshiiska la gaaray Trump dib ugu laabtay dalkiisa, halka madaxweynaha Mareykanka uu saxaafadda uga warramay kulanka uu la qaatay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Image removed.

 

Category