Trump oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Soomaaliya

Washington (RH)-Madaxaweyne Donald Trump, ayaa shaley Aqalka Sare ee looga arrimiyo Maraykanka ku qaabilay danjiraha cusub ee Soomaaliya ee magaalada Washington, Cali Shariif Axmed, waxaana uu ka guddoomay warqadihii aqoonsiga.

Danjire Cali Shariif ayaa madaxweynaha Maraykanka dhiibay dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaaji sida ay qortay wakaaladda wararka SONNA.

Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya danjirihii saddexaad ee Soomaaliya u soo magacowdo magaalada Washington tan iyo sannadkii 2014-kii.

Danjire cusub ee Soomaaliya ee dalka Markanka ayaa horrey u soo noqday danjiraha Soomaaliya ee waddamada Ethiopia iyo France.

Danjire Shariif ayaa beddelaya Axmed Ciise Cawad oo ahaa danjiraha Soomaaliya ee dalka Maraykanka laga soo billaabay 17-kii September ee sannadkii 2015-kii ilaa looga magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya bishii January ee sannadkii 2018-kii.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category