U jeedada Kulan Dhexmarey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Iyo Madaxa Xafiiska UK Ee Somaliland

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ahna Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Jsl Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, kulanka ayaa ugu horayn ku bilaabmay is-xog-waraysi ku saabsan xidhiidhka soo jireenka ah ee JSL iyo dawladda Ingiriiska ay waddaagaan iyo sidii loo sii wadi lahaa xidhiidhkaasi saaxiibtinimo.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa wakiilka kala hadlay in ay xoojiyaan, siina wadaan kaalmadii UK siin jirtay guud ahaan dalka gaar ahaana, hay’adda garsoorka, iyada oo mar walba Somaliland dhankeeda diyaar u tahay horumarinta hay’adda garsoorka oo dhaqaalaha wadanka ka soo baxa hay’adda garsoorka lagu wado, haddana in ay Somaliland hesho kaalmada ay xaqa u leedahay Ingiriiska iyo adduunka oo dhan siiyo, Guddoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay taageerada ay UK u fidiso hay’adda garsoorka, guud ahaan mucaawinada ay siiso garsoorka iyo hay’addaha kale ee la hal-maala ee soo gala sharciga iyo kala dambaynta (rule of law).

Waxa kale, oo guddoomiyuhu uga mahadceliyay is-kaashiyadii hore ay dawladda Ingiriisku u fidisay Somaliland, gaar ahaan serfarada (server) loo isticmaalo dacwadaha (case management) oo si rasmi ah ay shalay ugu wareejiyeen, kuwaasi oo hore maxkamaddaha Hargeysa loogu tijaabiyay iyo sidii mustaqbalka dalka oo dhan loo gaadhsiin lahaa, dhaqaalana loogu raadin lahaa.

Wakiilka ayaa dhankiisa guddoomiyaha ka waraystay arrinta doorashada iyo arrimaha kale ee wadanka ka socda ee hay’adda garsoorku doorka ku leedahay, waxa kale oo uu uga mahad naqay is-kaashiga wanaagsan ee ay la leeyihiin Hay’adda garsoorka iyo sida haboon ee ay u socoto dib-u-habaynta garsoorku, dadkuna ugu kalsoon yihiin.

Wakiilka Ingiriiska ee Somaliland ayaa sidoo kale balan-qaaday sii wadida kaalmadii hay’adda garsoorka ay siin jireen, isaga oo uga waramay guddoomiyaha dib-u-habayn lagu sameeyay xafiisyadii Ingiriiska ee kaalmada ku bixin jiray adduunkoo dhan, kuwaasi oo hore ugu hawl gali jiray laba magac oo kala ahaa (DFID iyo FCO) halka imika la mideeyay lagana dhigay Xafiiska horumarinta arrimaha dibada iyo barwaaqo sooranka (FCDO) (Foreign Commonwealth and Development Office)

Ugu danbayn waxa uu shirku ku soo dhamaaday is-af-garad iyo in la sii wado wada shaqaynta soo jireenka ah ee u dhaxaysa Ingiriiska iyo Somaliland.

 

Category