Uganda oo askar Howlgab ah u soo diraysa Soomaaliya

Kampala (RH)-Wasaarada difaaca Uganda ayaa sheegtay in ay u yeertay boqolaal askari oo horray hawlgab uga noqday shaqada qaran ee dalkaasi kuwaas oo ladoonayo in loosoo diro dalka Soomaaliya.

Ciidamadan howlgabka noqday ayaa tirooda lagu sheegay 2,752 askari, waxa ay ka mid noqonayaan howgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyaha ugu sareeyo ciidamada kaydka dalka Uganda Janaral Charles Awany Otema ayaa sheegay in ciidamada loo yeeray ay yihiin askar hawlgab ah oo horray shaqada looga fadhiisiyay.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada loo yeeray ay yihiin kuwa da’doodu ka hooseeso 55 sano jir darajadooda ciidan’nimana ay ku egtahay ama ay ka hooseeso darajada Gaashaanle.

Ma’ahan markii ugu horreysay oo Uganda, ciidamo howlgab ah u soo dirto Soomaaliya, ciidamo kuwan oo kale ayaa sannadkii 2012-kii ay u soo dirtay.

Radio Hormuud

Studdio 3

Mogadishu Somalia

Category