Ujeedada Kulan Dhexmarey Madaxweynaha Somaliland iyo Raiisal Wasaaraha Ethiopia

Addis-Ababa(RH)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan  caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa  waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

 

 Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo is-kaashiga  labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada, siyaasadda,  dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee waddamada  geeska Afrika.

 

Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah.

 

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirrada wasaaraha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxana  kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa.

 

 

Category