Ururada bulshada rayidka ah oo taageeray baaqa ah in Soomaaliya laga cafiyo deymaha

Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo horay loo oran jiray SOSCENSA kuna mideysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka, Dhalinyaradda, Ururadda Haweenka, Odayaasha dhaqanka, Culumo-udiinka, Ganacsatada iyo Xirfadleyda, waxa ay taagereysa isla markaasna xoojineysaa baaqii ay soo saareen Hay’adda Caalimiga oo ay ku mideysan yihiin hay’adaha caalamiga iyo qaar ka mid ah kuwa dalka ee loo yaqaano ( NGO consortium) iyo Midowga Africa ( African Union), baaqaas oo soo baxay taariikhdu marka ay ku beegneyd 9th February 2019 Addis Ababa, Ethiopia kuna baaqayey in deymaha laga cafiyo Soomaliya.

Dallada Bulshadda Rayidka ee SONSA oo ku hadlaysa magaca Bulshadda Rayidka Soomaaliyeed waxa ay si xoog leh taagereysa baaqaas oo ah in deemaha laga cafiyo dalka si loo gaaro himiladda horumarka dhaqaallaha iyo waxsoosaarka dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Dalladu waxa ay rajaynaysaa in si xushmad leh looga aqbali doonno baaqaan oo ku aadan cafiska deemaha lagu leyahay dalka Soomaaliya.

Cisman Muxiyadin Macalin 
Gudoomiyaha Dalladda SONSA

Category