Ururka SOLJA Oo Cambaareeyey Xayiraada Telefishanada Horyaal iyo Eryal

Hargeysa(RH)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, waxa uu si adag u canmaaraynayaa talaabadda Xukuumadda Somaliland  ku xidhay labada Telefishan ee kala ah Horyaal TV iyo Eryal, kuwaas oo ay ciidamadda Booliisku saaka la wareegeen, kuna Amreen inaanay shaqayn karin.

 

 

Ururka SOLJA, waxa uu talaaadan u arkaa mid sharci darro ah oo ay xukuumadda Somaliland ugu talogashay si sharciga baalmarsan inay albaabada ugu laabto hay’addo warbaahineed iyo suxufiyiinta ka hawl gashaba.

 

 

Awood ku muquuninta iyo gacan ku qaadashada awoodaha Garsoorka ee ay xukuumadda Somaliland ku fulinayso Warbaahinta iyo muwaadiniinta kale waa kuwo mugdi galinaya nidaamka Dimuquraadiyadeed iyo xorriyatul qawl ee Dastuurka Somaliland damaanad qaaday.

 

 

Ururka SOLJA , waxa uu u arkaa talaabooyinkan soo noq noqonaya ee sharci darrada ah kuwo ka hor imanaya balanqaadkii iyo Codkii ay xukuumadda talada haysaa ku fadhido ee ahaa sharcigaa saraynaya, iyadoo taas bedelkeeda u isticmaalaysa sharci jabin.

 

 

Ururka SOLJA, marar badan buu xukuumadda kala taliyey inay nidaaka sharciga ah u marto cabasho kasta oo ay warbaahinta ka qabto, hase yeeshee waxay u muuqataa inay ka door bidayso inay dariiq qaldan mar walba u marto, iyadoo sumcad xumo usoo jiida qaranka.

 

 

Talaabadan ay xukuumadda Somaliland ku xidhay labada Telefishan waxay noqonaysaa tii sadexaad ee ay muddada ay xilka hayso ku xidho hay’ad warbaahineed, iyadoo noqonaysa dhacdadii 20 aad ee sanadkan gudihiisa ay ku beegsato wariyayaal isla markaana ku xidho hay’addo warbaahineed.

Warbaahinta Somaliland waxay la daalaa dhacaysaa dhibaatooyin is biirsaday oo ay xukuumada talada haysaa sanad iyo badhkii ay xilka haysay kula kacday kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ka hor istaagto inay si madax banana u doontaan wararka, sidoo kale, waxay ku soo rogtay inay hawada ka saarto Astaamahooda iyo qalabka ay isticmaalaan mararka ay ka qayb galaan shirara waaweyn ee muhiimka ah.

 

 

Uruka SOLJA, waxa uu aad uga walaacsan yahay qorshaha ay ka damacsan tahay xukuumadda talada haysaa warbaahinta, iyadoon marnaba xil iska saarin waxbanna aan ka fulin balanqaadyaddii ay hore ugu samaysay.

 

 

Saxaafadda Somaliland waxay gayaysiisay xukuumadda talada haysaa inay ka hadhaan horumarada balaadhan ee dalalka jaarkeena ah ama kuwa dunidu siiyaan hay’adahooda warbaahineed, haddii ay noqoto Tababar iyo shuruucba, iyadoo ay illaa hadda Suxufiyiinta Somaliland la’yihiin Siyaasad iyo Qoshe cad oo ay kaga shaqaystaan dalka oo ay xukuumaddu samaysay.

 

 

Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay.

 

Ugu danbayntii, ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay ciidamadda ka dul qaado xarumahaas kana noqoto go’aanka sharci darrada ah ee ay dul dhigtay oo ah mid laf-jab ku ah hanaanka Cadaaladeed ee Dalka.

 

 

Dal na laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir, Suxufiyiinta Somalland waxay hay’addaha Garsoorka ka codsanayaan inay laalaan go’aanka baal marsan Dastuurka iyo xeerka Saaxafadda ee ay xukuumaddu caadaysatay.

 

 

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA)

 

Category