Waa kuma Soomaaligii ugu horreeyay ee ka mid noqday baarlamaanka Finland?

Helsinki (RH)-Suldaan Saciid Axmed ayaa loo doortay inuu ka mid noqdo baarlamaanka dalka Finland. Wuxuu noqonayaa Soomaaligii ugu horreeyay ee xilkaasi loo dhiibo.

Wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in noqanaya xildhibaan. "Shaqo badan ayaa inoo taalla sidii aan uga shaqeyn lahayn Finland ka fiican sida ay hadda tahay," ayuu yiri Axmed.

Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xilkaasi qabta tusaale lagu daydana u noqdo dhallinyarada.

Waa kuma Suldaan Saciid Axmed?

Suldaan Saciid Axmed waa qof sidoo kale u dooda xuquuqda dhalinyarada. Wuxuu muddo afar sano ah ahaa xildhibaan golaha deegaanka magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Helsinki. Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa mar kale loo doortay isla xilkaas.

Noloshiisa inteeda badan iyo waxbarashadiisii wuxuu ku noolaa dalka Finland, wuxuuna dalkaasi galay isaga oo 15 sano jir ah, isaga oo asalkiisii hore ka yimid Soomaaliya.

Muddadii afarta sano ahayd ee uu xilka xildhibaannimada hayay ayuu sheegay inuu beddelay waxyaabo badan oo caqabado ku ahaa dadka soo galootiga ah.

"Waddankan waxaa ka jirtay cunsuriyad badan, midab takoor aad u fara badan, dhibaatooyin badan oo dadka wdadanka u soo qaxa heystay. Dadka waxay u guuri jireen sida dallaka Ingiriiska iyo Sweden. Marka inta aan guuri lahayn inaan isbeddel sameyno ayay ila noqotay," ayuu yiri.

"Dalkan qofka aqoon walba oo uu leeyahay marka uu shaqo dalbado, haddii magaciisa uu muujinayo inuu Muslim yahay shaqada looguma yeero, sababo la xiriira takoor, waxaan sameeyay inaan beddelo hannaanka shaqo gelinta ee magaalada Helsinki. Hadda qofka dalbanaya shaqada kuma qoro magaciisa, da'diisa iyo isirkiisa, taas oo ka dhigan inay meesha ka baxayso cunsuriyadda," ayuu yiri.
Saciid


Xildhibaan Suldaan Saciid Axmed

Suldaan oo 28 jir ah ayaa sheegay inuu siyaasadda galay sanakdii 2012-kii, isla markaana uu dadaal dheer ku bixiyay guulaha uu haatan gaaray.

"Sababihii igu kallifay inaan siyaasadda galo waxaa ka mid ahaa marka laga reebo aniga oo siyaasadda xiiseynayay, haddana inaan isbeddel sameeyo ayaa iga go'neyd." Ayuu yiri Suldaan.

Sanadkii 2016-kii wuxuu noqday qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee xil ka qabta xisbiga uu ka tirsan yahay ee Left Alliance, isagoo markaas noqday guddoomiye ku xigeenka xisbigaas.

Waxyaabaha hadda u qorsheysan ayuu sheegay inay ka mid yihiin inuu diiradda saaro dadka soo galootiga ah ee aan sharciga lahayn, dadka dalkaas u dhashay ee dhibaatooyinka ay ka heystaan guryaha iyo inuu cod u noqdo dhammaan dadka dhibban.

Xiggasho: BBC Somali

Category