Waa Tuma Ramla Cali?

Tokyo (RH)-Ramla Cali ayaa mar kale taarikh u sameesay wadankeeda Soomaaliya, kadib markii ay cayaartay cayaartii koowaad ee feerka cayaaraha Olombikada ee ka socda dalka Japan.

Gabadhan Soomaaliga waxaa ka adkaatay Claudia Nechita.

Waa Tuma Ramla Cali?

Ramla Cali waa 31-jir waxa ay sannadkii 2016-kii guuleysatay tartanka feerka iyadoo mataleysa waddanka Ingiriiska.

Waxa ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee muslim ah oo ku guuleysatay cayaafta feerka, sidaas ayeyna cayaaraha feerka u sii wadatay.

Ramla sannadkii 2017-kii, ayey go'aansatay in ay dalkeeda u matasho cayaaraha olombikada adduunka.

Ramla iyadoo yar ayey qoykeeda ka soo carareen Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho sagaashameyadii.Claudia Nechita

Waxa ay sheegtay in hadafkeeda uu yahay siddii ay u noqon lahayd gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya guul uka keenya

Barashada Feerka waxa ay billowday iyadoo dhowr iyo toban jir ah, waxa ay hooyadeed u sheegi jirtay in tartamada feerka u cayaareyso jimicsi uun oo ay tartamo ka qeybgali doonin.

Gabdhan waxaa tababbaro siiyay ninkeeda oo ajnebi ah oo lagu magacaabo Richard Moore.

Cayaartoyda ay hoggaamineyso

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi | Kenya

Category