'' waa xarfaan waaney dadaalayaan'' Maamulaha dugsiga sare ee Kolding KG

RH: Muuqaal xalay laga baahiyey TVsyd Denmark  ayaa  lagaga waramey Xaalada waxbarasho ee caruurta ajanbiga ah ee ku nool Denmark n gaar ahaan kuwa ka qalinjabinaya dugsiga sare ee Kolding  Kolding Gymnasium KG oo ah midkamid ah labada dugsi ee sare ee kuyaala  magaaladan Kolding. 

TVgu waxa uu sheegay 10 kii ardey ee dhigta KG ay  3 kamid ahi ay kasoo jeedaan jinsiyado kale. waxaanu muuqaalkiisa ku muujiyey labo dhallinyaro ah  oo  soomaaliyeed kana mid ah ardeyda todobaadka dambe  qallinjabinaysa waxaanu TVgu ka qaaday wareysi  kooban wax yaabaha uu waydiiyey waxaa ka mid ah sababta ay ugu suurto gashay in ay heerkan waxbarasho soo gaadhaan iyo halka ay hiigsanayaan sifiicanbaaney runtii uga jawaabeen labadan dhallinyarada ah ayaa kala ahaa  Hamdi Ali iyo Zakariye Sharif.

Waxa uu wariyuhu sheegay in ay jiraan caruurbadan oo jinsiyado kaladuwan  kasoo jeeda oo ka qallin jabinaya dugsiyada sare ee wadanka Denmark in kasta oo waalidkood aanu wax barasho ah laheyn ama aanu dugsi sare iyo jaamacad toona  soo dhiganin, sababta ayaa lagu sheegay sida ay caruurtu laftigoodu  ka markhaati kaceen in ay kutimid  in ay waalidiinta ajanabiga ah ka go'an tahay in ay caruurtoodu mustaqbal wanaagsan ku yeeshaan iyagoo aaminsan in wadada ay u marikaraan ay tahay in ay dadaalaan oo ay waxbarasho  jaamacadeedr qaataan .

Waxaa uu wariyuhu  waydiiyey maamulaha dugsiga sare ee KG Mr.Momme Mailund '' miyaaney buuqbadneyn oo aaney dhibaato idinku hayn , waxaanu sidagan ugu jawaabey '' maya ee waa haadiyad aanu helnay waa xarfaan waaney dadaalayaan'' 

cdfrt

riix links hoose si aad u booqato bogga TVsyd

https://www.tvsyd.dk/artikel/de-er-dygtige-og-motiverede

Category