Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qaybgalaya shir ka dhacaya Burkiina Faso

Muqdisho (RH)-Wafdi uu hoggaaminaayo guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamanaka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Burkiino Faso, iyagaoo ka qaybgeli doonaan shirka sannadlaha ah ee midowga baarlamaanada dowladaha xubnaha ka ah ururka iskaashiga islaamka ee loo soo gaabiyo OIC (PUIC).

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaan qaar kamid ah Madaxda ka qeyb-galeysa doonaan Shirka sanadlaha ah ee Midowga Baarlamaanada Dowladaha xubnaha ka ah OIC (PUIC).

Shirka ayaa waxa ka soo qaybgali doona madax fara badan oo xubin ka ah OIC.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category