Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray Garowe

Muqdisho (RH)-Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu Garowe kula kulmay wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Wafdigan ka socday beesha caalamka Gaar ahaan Midowga yurub waxaa qayb ka ahaa Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Safiirka Sweden u fadhiya dalkeena iyo xubno ka tirsan xafiiska Midowga yurub ee Soomaaliya.

waxaana ku soo dhaweeyay aqalka Madaxtooyada Puntland Madaxwaynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Dani oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Golaha wasiirada.

Madaxdan ka socotay Beesha Caalamka iyo Madaxwaynaha Puntland oo ay weheliyaan wasiirada Warfaafinta, Arimaha Gudaha iyo qorshaynta Puntland ayaa qaatay shir gaar ah oo ay albaabadu u xirnaayeen warbaahintuna Dibad joog ka ahayd .

Madaxda shirka joogaMadaxweynaha Puntland

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category