Wafti ka socda  Somaliland Oo Kulan Kula Qaatay Magaaladda Kampala Masuuliyiinta Dalka Uganda

Hargeysa(RH)Wasiirka Wasaaradda Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamud Cigaal iyo wafti Uu Hogaaminayo oo Safar shaqo ku Jooga dalka Yugaandha ayaa Kulan la qaatay Wasiirul dawlaha Macdanta ee dalkaasi Luuris Beta iyo masuuliyiin kale

Wasiirka Waxaa safarkiisan ku wehelinaya Agaasimaha Waaxda macdanta ee Wasaaradda Tamarta Cumar Yuusuf Cumar Waxaana ujeedada booqashadoodu ay la xidhiidha sidii ay u soo indho indhayn lahaayeen nidaamka macdan qodista ee Ka socda dalka Yugaandha.

Kulankan dhex maray Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Wasiirul dawlaha Macdanta ee dalka Yugaandha ayay isaga waraysteen Khayraadka dabiiciga ah ee ku duugan labada dal ee Somaliland Iyo Yugaandha iyo sida ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo,Waxaa kale oo labada wasiir ay ka wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen xidhiidh wada shaqayneed oo dhamaystiran.

Intaas kadib Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Sarkaalka ku wehelinayay booqashadiisu waxay soo kormeereen deegaanka Kisooro oo 470 Km dhanka Koonfur galbeed ka xigta caasimadda dalka Yugaandha ee Kanbaala, Deegaankaas oo ay ka socoto shaqo balaadhan oo dhanka Macdan qodista ah.

 

Category