War Deg-Deg ah:- Madaxweynaha Somaliland Oo Sameeyey Xilka Qaadis Iyo Magacaabid

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-880/062022 iyo JSL/XM/WM/222-881/062022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi;

Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

2. Ku: Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

3. Ku: Cabdiraxmaan Cali Cabdi;

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.

4. Ku: Axmed Xasan Nuur;

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

5. Ku: Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;

Guddoomiyihii Hay’ada Caymiska Qaranka

6. Ku: Sahra Aadan Yuusuf;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’ada Caymiska Qaranka.

7. Ku: Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada.

8. Ku: Axmed Abokor Maxamed;

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marwo iyo Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabay xilalkan:

1. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

2. Cabdiqaadir Iimaan Warsame Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

3. Maxamuud Warsame Jaamac  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta.

4. Maxamuud Jaamac Warfaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha  iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

5. Yurub Abiib Cabdi Cumar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

6. Cabdulmajiid Ibraahim Muumin  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

7. Mukhtaar Maxamed Cali Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada.

8. Guuleed Muuse Galaal  Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Qaranka.

9. Xamse Cabdi Ibraahim  Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada.

10. Maxamed Xuseen Axmed  Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Caymiska Qaranka.

11. Muuse Jaamac Maxamed  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

12. Fowsi Maxamed Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

13. Khadar Ibraahim Maxamed Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada.

 ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Category