War-murtiyeed laga soo saaray bandhig suugaaneed ka socday Jigjiga

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga waxaa maanta oo Isniin ah lagu soo gabagabeeyay bandhig suugaaneed loogu magacdaray Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kaasoo socday muddo saddex cisho.

Bandhiggan oo ay ka soo qaybgaleen dad u badan abwaanno, qorayaal, oday dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, kuwaasoo ka kala yimid dhulka Soomaalida ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay taarikhdii uu lahaa Allaha u naxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Bandhiggan ayaa laga soo saaray gabagabadiisa war-murtiyeed ka kooban shan qodobo, waxaana ka mid ah:

1- In la dhiirigaliyo cilmibaarista ku saasban suugaanta Soomaaliyeed gaar ahaan tii daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.


2-In la joogteeyo bandhigyada noocan oo kale ee afka iyo suugaanta kor loogu qaadayo isla markaana la qabto sannad ama labo sanno mar si bulshada Soomaaliyeed xiriirkeeda u sii noolaado.

3-In la ilaayo dadkii taarikhda Soomaaliyeed ku lahaa haddii ay ahaan lahaayeen abwaan iyo halgamaa.

4-In la iska xil saaro xasuusiisinta taarikhda Sayid Maxamed Cabdulle Xasan gaar ahaan dowlad deeganka Soomaaliya, iyadoo marka laga gaaro 2020 ay ka soo wareegan doonto 100 sanno markii uu dhintay isla markaana dadka dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay qabtaan xusas.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category