War wanaagsan oo Asalkiisu murugo leeyahay: Danmark waa meel uwanaagsan qofka u soo rito xanuunka Covid-19.

Dhimashada bukaannada ku jira qaybaha daryeelka degdegga ah ee deenishku way yar tahay.

Intii lagu gudajiray qeybta koowaad ee mowjadda corona ee gugii,

 kudhowaad seddexdii bukaanba labo kamid ah ayaa ka badbaaday in cisbitaal la dhigo.

Dhab ahaan, waxay ahayd in boqolkiiba 63 ay maareeyeen, Sidaas waxaa muujisey daraasad laga soo aruuriyay xogta dhammaan 29-ka waaxood ee qaabilay bukaankii ugu horreeyay oo tiradoodu dhameyd 323 muddadii u dhaxeysay markii uu dillaacay illaa 19-kii Maajo.

Taas macnaheedu waxa weeye in heerka dhimashada uu noqonayo qiyaastii 37 boqolkiiba bukaannada Deenmark, in kasta oo celcelis ahaan ay da'doodu aad u  sarrayso, haddana ay dhimashadu aad u hooseysay marka la barbar dhigo sahanno laga sameeyay, dalal kale, sida Ingiriiska, Talyaaniga iyo USA, halkaas oo heerka dhimashada uu ka badnaa 50 boqolkiiba.

- Way adag tahay in la isbarbardhigo waddamada, laakiin waxaynu odhankarnaa haddii uu kusoo rito covid-19 , markaa Danmark waa meel fiican oo bukaan lagu noqdo, ayay tiri Nicolai Haase, oo ka mid ah dadka ka dambeeya daraasaddan.

La kulanka virus cusub oo aan la aqoon ayaa ka dhigay lama huraan in la ururiyo aqoonta, ayuu yiri.

- Waxaan la tacaalaynay cudur gebi ahaanba cusub oo leh heer aad u sarreeya oo dhimasho ah

Kaas oo qofka bukaanka ah gayeysiinaya in uu iskiis u neefsankariwaayo oo uu u baahdo qalab neef siiya.

Marka waxay noo lahayd muhiimad gaar ah inaan abuurno waxoogaa aqoon ah oo ku saabsan cudurkan si aan dhakhaatiirta u caawino.

iyo in sidoo kale in la siiyo siyaasiyiinta iyo muwaaddiniinta wax ay ku gaadhaan go'aannadooda oo cilmi kusaleysan, ayuu yidhi Dr.Nicolai Haase, oo ah dhakhtar ka hawlgala waaxda daryeelka degdegga ah ee Rigshospitalet oo ku yaala magalaada Kobenhagen ee caasimada wadankan Denmark.

 

Xogta warkan waxaannu kasoo xiganey dr.dk

Waxaana tarjumay : Mohamed-amin Siyad Abdi

 

Category