Warar dheeraadah qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay bar kontrol oo ku taalla degmada Boondheere waxaana ay aad ugu dhowdahay wasaaradii horre ee caafimaadka Soomaaliya, oo sidaas uga fogeen daljirka Daahsoon.

Inta la oyahay 10 qof ayaa ku dhintay oo isugu jiray shacab iyo askar goobta ku sugnaa.

Dadka ku dhintay waxaa ka mid ah Xuseen Ceylaawe Faafiye, oo muddo ah ka soo shaqeeyay wasaaradda arrimaha dibadda iyo wasaaradda qorsheenta Soomaaliya, sidoo kale waxaa ka mid ah Korneel Faay Cali Raage oo ka mid ahayd saraakiisha ciidamada dowladda iyo seygeeda oo la socday iyo askar ilaalo u ahaa.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah xildhibaanno uu ka mid yahay Axmed Ismaaci Shabeel oo xilligaas u socday xarrunta baarlamaanka, waxaana soo gaaray dhaawac fudud.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarka maanta.

Illaa hadda lama hayo tirada rasmiga ah dhimashada iyo dhaawaca ee sababay qarixii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa laga maqlay magaalada oo dhan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaalada ku sugan ciidamo fara badan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category