Wargeysayada Denmark: Iswiidhish noqdey Raiisel Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Wuxuu u shaqeeyay UN-ka, wuxuu ka qalin jabiyay Machadka Royal ee Teknolojiyada ee Stockholm wuxuuna haystaa dhalashada Sweden. Hada Maxamed Xuseen Rooble wuxuu kusii jeedaa inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxaa magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo rajo weyn ka qaba Swedish-Soomaali. Wuxuu ku boorinayaa inuu "si dhakhso leh u soo dhiso dowlad tayo leh oo dalka u horseedi karta doorasho", ayuu qoray wargayska BBC-da ee Ingiriiska. Soomaaliya ma aysan ka dhicin doorasho xor ah oo dimoqraadi ah tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalka 1991.

Rooble waa magac cusub iyo weli majalad aan lagu qorin siyaasada Soomaaliya. Sanadkii 1992, wuxuu yimid Iswiidhan oo qaxooti ku ahaa dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya. Shan sano kadib wuxuu qaatay dhalashada Sweden. Laakiin hadda wuxuu ku noqday dalkiisii ​​hooyo. Ra'iisul Wasaaraha soo socda ayaa wajahaya caqabado waa weyn oo ka jira Soomaaliya oo sanado badan colaado ay ka muuqdeen.

Wuxuu mas'uul ka noqon doonaa "xoojinta horumarka amniga, dib u dhiska ciidamada qalabka sida, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ballaarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada," ayuu yiri madaxweynaha, sida ay sheegtay BBC-da.

In kastoo Soomaaliya ay ka muuqato liisas kala duwan oo ka mid ah dalalka adduunka ugu halista badan in loo safro, haddana horumar ballaaran ayaa la sameeyay sannadihii la soo dhaafay. Tan iyo 2017, ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AU) waxay ka caawiyeen dowladda dagaalka ay kula jirto Islaamiyiinta xagjirka ah iyo inay dib ula soo wareegto gacan ku haynta qaybo badan oo dalka ka mid ah Waxay rajo gelineysaa in hay'adaha dowliga ah ee jilicsan la xoojin karo.

Isla markaana dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay dib uga soo laabanayaan dalka dibadiisa si ay uga qeyb qaataan dhismaha dalkooda. Maxamed Xussein Rooble ayaa lafilayaa in waqti danbe ay ansixiyaan baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu badalay Xasan Cali Khayre oo isaga laftiisu ahaa Somali Norwayji isla markaasi xilka laga qaaday kadib markii uu waayey codka kalsoonida bishii July.

 

Sidan waxaa qorey wargeysyada kasoo baxa wadanka Denmark

Tarjumaada: Mohamed-amin Siyad Abdi

 

Category