Warka Radio Hormuud — Kolding, Denmark

RH: Magaalada Kolding waxaa ka soo baxay war muhiim ah, kadib markii si rasmi ah xilka loogu wareejiyey Jakob Ville, 48 jir ah kana tirsan xisbiga Venstre, inuu noqdo Maayarka cusub ee Kolding.
Doorashadiisa waxay ahayd mid cod-badan oo aan mucaarad lahayn.

Maayarka cusub, oo hore u ahaa maamule dugsi islamarkaana deggan Seest, wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilka loo dhiibay inkasta oo uu sheegay inuu saacadihii ugu dambeeyay dareemayay “sommerfugle i maven”, ama welwel iyo xiiso isku jira.

Laba Maayar oo hal mar jooga

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in Maayarkii hore, Knud Erik Langhoff, uu weli ku sugan yahay xafiiska ilaa 1-da Janaayo, xilligaas oo xilka si buuxda loogu wareejin doono Maayarka cusub, Jakob Ville.
Ville wuxuu sheegay in arrintani ay tahay “wax yar oo qariib ah”, balse uu diyaar u yahay maalin kasta inuu la qabsado shaqada Maayarnimada.

Xil-wareejinta maanta iyo ballan-qaadyada Maayarka cusub

Intii lagu guda jiray xafladdii xil-wareejinta, Maayarka cusub, Jakob Ville, wuxuu khudbaddiisa ku sheegay dhowr qodob oo uu doonayo inuu hirgeliyo sanadaha soo socda, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • In si rasmi ah loo bilaabo mashruuca Riberdyb/Holmsminde, mashruuc muddo dheer sugnaayey.

  • Inuu noqon doono Maayar muuqda, la heli karo, oo shacabka si cad ula hadla.

  • In Kolding laga dhigi doono magaalada koowaad ee waxbarashada ee gobolka Syddanmark.

  • In degmada loo rogi doono degmo si dhab ah u la shaqeysa ganacsiyada, halkii ay ka ahaan lahayd mid caqabadaha kordhisa.

  • In bartamaha magaalada (midtbyen) iyo xaafadaha kale ee Kolding la gaarsiiyo horumar muuqda iyo bilic cusub.

Kadib munaasabadda xil-wareejinta, qoyska Maayarka iyo xubnaha golaha deegaanka ee goobta joogay waxaa lagu martiqaaday gløgg iyo æbleskiver, iyadoo shacabka Kolding ay rajo wanaagsan ka muujiyeen maamulka cusub.

Category