Wasaarada Beeraha Jsl Oo Beeralayda Ugu Baaqdey inay Roobabka Karanta Ka Faa’iidaystaan

Hargeysa(RH)Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa ugu baaqay beeralayda dalka in ka faa’iidaaytaan roobabka da’aya oo ay laban laabaan wax soo saarka.

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland , oo la Hadley warbaahinta waxa uu sheegay in ay qaadanayaan masuuliyada ka saaran beeralayda. Waxaanu intaasi ku daray in ay sameeyeen kooxo wasaarada beeraha ka socda oo gacan ka gaysan doona wixii caqabado ah ee la soo dersa beeralayda Somaliland.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay na waxa uu yidhi “Waxaynu jirnaa wakhtigii uu bilaamayay roobkii Karanta. Waxaanu u badan yahay dhinaca galbeedka, waana roobka inta badan laga faa’iidaysto.

Waxaana kula dar-daarmayaa beeralayda reer Somaliland ee ku hawlan wax soo saarka dalka meel kastoo ay joogaan in ay kaa faa’iidaystaan roobabkaa soo socda, oo ay dedaal badan sameeyaan, oo ay laban laabaan wax soo saarkooda”.

“Wixii caqabado ah ee ka hor yimaada beeralayda ama dawooyin ha noqoto, ama wax kale waa in ay la soo xidhiidhaan wasaarada Beeraha. Iyadoo aanu samaynay kooxo wareegaya oo ku hawlan in ay gacan ka gaystaan wixii beeralaydu nooga baahan tahay, anagoo qaadanayna masuuliyada na saaran” ayuu yidhi wasiir Muumin Seed.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay in roobab ka da’a ay degmada Taleex uu qaaday agabkii beeralaydu degaankaasi isticmaalaysay. “Wasaarada Beeraha waxay marwalba u taagan tahay sidii ay u dhiiri gelin lahayd beeralayda dalka.

Waxaanay dareensan tahay markasta shacabkeeda beeralayda ah, waxaa na soo gaadhay oo cabasho nooga timid beeeralayda degaanka Xalin ee degmada Taleex ee gobalka Xaysimo. Waxaanay noo soo sheegeen in roobku ka qaaday Miishinadii iyo agabkii beeralaydu adeegsanaysay.

Waxaanu awood badan saarnay in aanu si deg dega uga jawaabno, dhibaatooyinkaa roobku gaadhsiiyay. Waxanu sida ugu dhakhsaha badan u gayn doonaa Miishanadii iyo Tuubooyinkii roobku ka qaaday waanan xalin doonaa dhibaatooyinkaa roobka ka soo gaadhay beeralayda” ayuu yidhi wasiirka beeraha Somaliland.

 

Category