Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo war ka soo saartay jahwareerka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed

Muqdisho (RH)-Dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in aan la aqbali doonin in ay dib u dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, oo ku taariiqaysan in la qabto 17-ka bishan November.


War-qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah, ayaa lagu sheegay in waqtiga loo ballamay doorashada Koonfur Galbeed oo ku began 17-ka bishan Nofeembar aan laga dabamarin doorashada.

Sidoo kale, dowladda waxa ay fartay musharrixiinta in ay ku tixgaliyaan guddiga doorashada waqtiga ay iclaamiyeen isla markaana la joojiyo jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo.


  Warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha federaalka ayaa u qornaa sidan:-

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka.

Muddada xilhanyta maamulka hadda ka jira koofur galbeed waxay ku egtahay 17ka November lamana aqbali doono in ay dib uga dhacdo.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta waxay ku dhiirri gelinaysaa guddoonka iyo xildhibaannada baarlamaanka Koonfur Galbeed in iyagoo gudanaaya waajibaadkooda dastuuriga ah ay si daahfuranna u qabtaan doorashada Madaxwaynaha Dowlad Gobaleedka waqtiga loo asteeyey ee kor ku xusan iyadoo la ilaalinayo xasiloonida iyo deganaashaha Koofur Galbeed.

Hadalka dowladda ayaa yimid kaddib markii xaley 15 xubnood oo ka mid ah 27-ka xubnood ee guddiga doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed ay iscasileen isla markaana aan la buuxin weli boosaaska ay banneeyeen.

Xubnaha iscasilay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha guddiga doorashada iyo xoghayaha guddiga doorashada.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category